Fanaanka Justin Bieber Oo Iska Barbareynaya Snoop Dogg Ka Dib Markii Uu Soo Xirtay Maaliyada Arsenal Ah

Heesaaga reer Canada Justin Bieber ayaa marar qaar xiiseeya kubada cagta, waxaana hadba lala xiriiriyaa inuu taageero kooxdii uu xirto maaliyadeeda, waxaana ugu danbeysay oo uu isku soo sawiray isagoo xiran maaliyada kooxda Arsenal.

Fanaankaan ayaa hore loogu sawiray maaliyado badan sida tan Chelsea iyo tan Everton.

Xitaa waxa uu heystaa maaliyada kooxda heerka seddexaad ee Southend United ka dib markii lagu amaanay in heesihiisa ay sarre u qaadeen qaab ciyaareedka Ryan Leonard.

CnCF6XUVYAAfN3k

Waxaad intaas ku dartaa waqti uu ku qaatay Camp Nou isagoo xiran maaliyada Barcelona, sida ay u muuqato Justin Bieber waxa uu iska barbareynayaa fanaanka Snoop Dogg kaasoo xirtay maaliyado kooxo kala duwan oo kubada cagta ah sheegtayna mar walba inuu taageero u yahay, sida kooxo isku horyaal ah Liverpool, Manchester United, Arsenal.

snoop

Snoop Dogg Oo Xirtay In Ka Badan Maaliyadaha Haatan Kaaga Muuqda Sawirka.

Bieber ayaa sawirka uu xiran yahay maaliyada Arsenal soo dhigay Twitter isagoo qaar ka mid ah asxaabtiisa la ciyaarayay kubada cagta, wuxuuna ku soo qoray: “”The Championship.”

Arsenal ayaa durbadiiba sawirka soo dhigtay bogeeda buslahda iyadoo jamaahiirta Arsenal ay durbadiiba bilaabeen inay si kaftan ah kooxda ugu baaqaan inay ku dhawaaqaan saxiixa Bieber.