Fariintii Uu Pep Guardiola U Reebay Carlo Ancelotti Ee Shaqada Bayern Munich Oo La Ogaaday.

Fariintii uu Pep Guardiola ugu reebay Carlo Ancelotti xafiiska tababaraha Bayern Munich ayaa la shaaciyay waxa ay aheyd gabi ahaanteedba.

Carlo Ancelotti ayaa u sheegay jariirada Bild shalayto oo isniin aheyd in tababaraha cusub ee Manchester City inuu fariin qoraal ah ugu qoray darbiga xafiiska isagoo u rajeeyay nasiib wacan.

Sawir laga qaaday fariintii uu Pep Guardiola u reebay Carlo Ancelotti ayaana si weyn loogu wadaagayay baraha bulshada.

CnFBRLyXEAAqPqB

Waxa ay u qorneyd: It reads: “Ixtiraamka ugu sareeya anigoo ku haya, nasiibka haku saacido Carlo!”

Tababaraha Talyaaniga ayaana u baahnaan kara nasiib, iyadoo waayahii Guardiola ee Germany weli laga doodayo inkastoo uu seddex xilli ciyaareed oo isku xigta hantay Bundesliga.