Ma Sidaan Ayaa U Danbeysay Xiddigii Hore Ee Xulka England & Tottenham Paul Gascoigne?

Mar kale ayaa taageerayaasha kubada cagta Ingariiska waxa ay arkeen muuqaal argagax geliyay iyadoo xiddigii hore ee England, Newcastle iyo Tottenham Paul Gascoigne laga soo qaaday sawiro muujinaya inuu nolosha ka dhacay isagoo weli ku sii socda wadada burburka iyo hooga.

Xiddigii hore ee England ayaa sawiro laga qaaday isagoo ka soo degaya taksi xilli uu iibsanayay qamriga noloshiisa la degay, waxaana uu xirnaa kaliya dharka jiifka, waxaana The Sun oo sawira qaaday soo bandhigtay isagoo qaawanaan wadada ku maraya.

1468236061200314682366080776

Goob jooge ayaa u sheegay The Sun: “Waxa uu dhex taagnaa wadada dhexdeeda iyadoo deriska oo dhan ay arki kareen.

“Waa wax laga xumaado waana ceebtii ugu danbeysay ee Gazza, waan ka walwalsanahay…”

NINTCHDBPICT000000830107

Xiddigaan lagu naaneeso Gazza ayaa dhowr jeer oo hore la isku dayay in la caawiyo oo la geeyo meelaha lagu xaneeneeyo dadka ay noloshooda qaadatay qamriga iyo daroogada laakiin waa ay shaqeyn weysay, waxaana maalmo ka hor loola cararay cusbitaal isagoo jooga ka dhacay islamarkaana uu daqar madaxa ka soo gaaray.