The Sun: Paul Pogba Oo Kala Dooranaya Manchester United & Real Madrid Maalmaha Soo Socda.

Paul Pogba ayaa go’aansan doona maalmaha soo socda haddii uu ku biirayo Manchester United ama Real Madrid isagoo noqonaya xiddiga ugu qaalisan taariikhda kubada cagta sida ay qortay jariirada The Sun.

Jariirada The Sun ayaa sheegeysa in dalabka 100ka milyan ginni ee Man United inuu ku dhawaad shan milyan ginni ka badan yahay inta ay Madrid ku dalbatay xiddiga Faransiiska iyo Juventus Paul Pogba.

Sida lagu sheegay warbixinta wargeyska wararkii sheegayay in kooxda reer Spain ay ka baxday tartanka ciyaaryahanka ayaa ah kuwa xaqiiqda ka fog.

pogba

Ilo sarre oo ay soo xiganeyso The Sun ayaa yiri: “Madrid weli si aad ah ayay ugu jirtaa tartanka Pogba.”

Si kastaba Pogba ayaa jabinaya rikoorka suuqa kala iibsiga, waxaana uu noqon karaa xiddigii ugu horeeyay ee gaara ama dhaafa 100 milyan ginni, iyadoo Gareth Bale oo haatan ah xiddiga ugu qaalisan kubada cagta lagu iibsaday 100 milyan euro oo u dhigantay waqtigaas 86 milyan ginni.

Madrid ayaa wajaheysa inay xayiraad suuqa kala iibsiga ah kala kulanto FIFA taasoo shaqangelin karta bisha Janaayo ee soo socota, islamarkaana waari karta ilaa iyo labo suuq kala iibsi.

Waxa ay la micno tahay taasi inay heshiisyadooda sameeyaan xagaagan inkastoo madaxda Madrid ay ku adkeysanayaan in xaalku uusan sidaasi aheyn.