West Ham Oo Shaacisay In Dimitri Payet Uu Ku Qiimo Yahay Saaxiibkiisa Xulka France Paul Pogba.

Milkiilaha kooxda West Ham David Sullivan ayaa qiimo 100 milyan ginni ah duldhigay hantida ugu qaalisan kooxda Dimitri Payet sida ay qortay jariirada Daily Mirror.

Qiimahaan oo noqonaya rikoor adduun ayaa la mid ah lacagtii ay Juventus duldhigtay xiddiga diirada u saaran Manchester United iyo Real Madrid Paul Pogba, ka dib markii uu Payet wacdarro ka dhigay tartanka Euro 2016.

Laakiin iyadoo qiimaha ciyaartoyda uu cirka isku shareerayo xagaagan, waxaa sii kordhaya xiisaha loo hayo xiddigaan iyadoo gudoomiyaha West Ham uu ku adkeysanayo qiimaha uu duldhigay xiddigaan.

Xaqiiqdiina, Sullivan ayaa sidoo kale diyaar u ah inuu 29 jirka Payet u soo bandhigo qandaraas cusub oo weyn markii labaad sannad gudaheed, isagoo qaadan doona 150 kun isbuucii haddii uu qaab ciyaareed fiican ku sii jiro ilaa iyo dhamaadka sannadkaan.

France-v-Albania-Euro-2016-Group-A

Sidaasi oo ay tahay madaxa West Ham ayaa doonaya inuu ka faa’ideysto kaasha ay meelaha la ordayaan kooxaha waa weyn oo uu xiddiga Faransiiska ku helo lacag noqon karta rikoorka adduunka.

Isagoo ka hadlayay goobta lagu duubayo filimkiisa cusub ee Hatton Garden Heist, Sullivan ayaa yiri: “Waa lacagta telefishinada waxa meelaha lala ordayo, sidoo kalena waa kooxo Yurub ah oo helay lacagta Shiinaha.

“Laakiin Payet iib ma ahan, kaliya inaad tahay koox weyn kuma heleysid, nasiib wacan. Qiimihiisa waa 100 milyan ginni, xitaa da’da uu jiro.

“Xilli ciyaareedka oo dhan ayuu ku ciyaarayay qaab ciyaareed isku mid ah. Waa xiddig tayo sarre leh. Waa xiddiga ugu fiican ee laad xor ah tuura dunida marka loo eego qaab ciyaareedka uu ku jiro.”