Amisom oo baadhaysa dhacdadii tuulada Wardinle

MUQDISHO (Soomaalnews) – Amisom ayaa sheegtay inay baadhitaan ku samaynayso dhimashada dad rayid ah oo lagu dilay tuulada Wardinle ee u dhow magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ahna magaalo madaxda maamul goboleedka Koonfur-galbeed, taasi oo ciidamdeeda lagu eedeeyey.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Amisom ayaa lagu sheegay in ciidamadooda ay heleen warbixinno sirdoon oo ku saabsanaa in maleeshiyada Al-Shabaab ay tuulada Wardinle ka wadeen arrimo xagjirayn ah, markii ay halkaas tageenna ay weerar kala kulmeen Al-Shabaab.

Si kastaba ha ahaatee Amisom waxa ay sheegtay in illaa hadda aysan caddeyn in dad rayid ah ay ku dhinteen dagaalkii dhex maray iyaga iyo Al-Shabaab, sida warbixinada qaar ay sheegayaan.

Amisom aad ayay ula qiimo weyn yihiin nolsoha dadka rayidka ah, qof kasta oo shaqaalaheena ka mid ah oo taas dayacanna waxa uu mari doonaa ciqaab adag oo waaqfsan xeerarka dagaalka ee Amisom” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka kasoo baxay wakiilka Midowga Afrika ee Somalia Francisco Madeira. Madeira waxa uu sheegay in xafiiskiisa iyo hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya ay baadhayaan dhacdadan, ayna ka gun gaadhi doonaan.

 

Weerarkaas ayaa waxaa ku dhintay 14 qof oo rayid ah badankooduna ay ahaayeen isku qoys, waxaana dadka deegaanka ay ku eedeeyeen ciidamada Ethiopia ee ka tirsan Amisom.