Hay’ada lacagta aduunka ee IMF oo hoos u dhigtay dhaqaalaha

Hayadda lacagta adduunka ee IMF ayaa sheegay in aftidii Britain ay kaga baxday Midowga Yurub ay saadaalinta dhaqaalaha adduunka ay hoos u dhigtay.

Warbixin cusub oo ay soo saartay,IMF ayaa hoos u dhigtay saadaalinteeda kororka dhaqaalaha adduunka oo ah 3.1% sanadkan iyo 3.4% 2017.

Saadaalinta kororka Britain ayaa aad hoos ugu dhacday, laakiin waddamada Yurub ayaa la mid ah.

Saadaalinta Afrika ayaa sidoo kale hoos u dhacday, sababtoo ah dhibaatooyin ka jira Nigeria iyo Koonfur Afrika oo la xiriirta hoos u dhaca sicirka qayraadka dabiiciga.