Masar oo gargaar military ugu deeqday dalka Soomaaliya

Safiirka dawladda Masar u fadhiya dalka Soomaaliya ayaa hub iyo agab ciidan ku wareejiyay dawladda Soomaaliya.

Hubkan oo ay dawladda Masar ugu talo gashay in lagu taageero ciidanka dawladda Soomaaliya, ayay sheegtay inaanu noqon doonin kii ugu danbeeyay balse ay jiri doonaan kaalmooyin kale oo dhinaca ciidanka ah.