SEVILLA oo kordhisay xiisaha ay u qabto ciyaaryahanka NAVAS

Kooxda reer Spain ayaa dooneysa inay si xor ah ula soo wareegto ciyaaryahanka garabka uga dheela kooxda Manchester City Jesús Navas xagaaga soo aadan, laakiin ay u baahan tahay inay la soo wareegto ciyaaryahanka argagxisada si ay u fuliyaan shuruudaha u-qalmitaanka UEFA.

Sevilla ayaa diyaar u ah inay tijaabiso kooxda Manchester City inay ceshato Jesus Navas ka dib markii ay bilaabtay in ay dalab ka gudbiso xagaaga garabka reer Spain ah.

Tababaraha City Pep Guardiola ayaa cadeeyay in ciyaaryahankani aanuu ka mid ahayn qorshihiisa kooxda ee xiliciyaareedkan dhawaan bilaabmaya 2016/2017. Waxaanuu Pep xaqiijiyay in qorshihiisa kooxda ee garabka midig uu yahay xidiga reer France ee Samir Nasri. Kasoo uu sheegay inuu yahay dookhiisa koowaad. Taasina waa ta kor u qaaday xiisaha kooxda Sevilla ee ciyaaryahan Navas.

Sevilla ayaa kor u qaaday xiisahaheeda xidigoodii horey ey uga iibisa City 2013kii, waxaanay Sevilla sheegtay inay lasoo wareegi doonto ciyaaryahankan xaagaga soo socda xiligaasiyoo ku eeg ama uu dhacayo qandaraaska uu kula jiro kooxda reer Manchester.