Türkiye oo USA ka codsatay in loo soo gacan galiyo wadaadka Fethullah Gülen

Turkish President Tayyip Erdogan (R) meets with incoming Prime Minister Binali Yildirim at the Presidential Palace in Ankara, Turkey, May 22, 2016. Kayhan Ozer/Presidential Palace/Handout via REUTERS

Ra’iisal-wasaaraha Turkiga, Binali Yildirim, ayaa sheegay Turkiga inuu u baahan yahay inuu hubiyo ammaankiisa boqolkiiba boqol, ka dib markii uu guuldaraystay afgambigii milatariga ee dhacay Jimcihii.

Wuxuu balanqaaday dhaqdhaqaaqa ay dowladda ku eedaynayso afgambiga in la baabi’in doono.

Mr Yildirim ayaa sheegay in codsi loo diray Maraykanka oo lagu codsanayo inay soo musaafuriyaan hogaamiyaha dhaqdhaqaaqa ee Fethula Gulen. Mr Gulen ayaa beeniyay inuu ku lug lahaa.

Ra’iisal-wasaaraha ayaa ku adkaystay Turkiga in sharci lagu maamulo, wuxuuna dadka u sheegay inaysan samayn aargudasho.

Kumanaan ciidamo, boliis, qareeno iyo garsoorayaal ayaa shaqada laga cayriyay ama la xiray.