34 ruux oo lababadii sanadood ee ugu dambeeyay lagu laayay dalka Kenya

Ciidammada ammaanka ee dalka Kenya waxay khasab ku wateen ugu yaraan 34 qof labadii sano ee la soo dhaafay intii ay socdeen hawl gallo ka hortagga argagixisada oo tacaddiyo laga geystay magaalada Nairobi iyo gobolka woqooyi bari Kenya, ayay sheegtay warbixin ay maanta soo saartay hay’adda Human Rights Watch.

Hay’addu waxay sheegtay in mas’uuliyiinta Kenya looga baahan yahay inay joojiyaan xadgudubyada ka dhaca hawl gallada ka dhanka ah argagixisada, ayna si degdeg ah baaritaan ugu sameeyaan khasabka lagula baxayo iyo dhimashada maxaabiista ee woqooyi bari Kenya.

Warbixinta oo ka kooban 87 bog, waxay diiwaan gelisay 34 dhacdo oo ciidammada ammaanku ay hawl gallo kala duwan oo milaterigu ka mid yahay ay duullaanno ku qaadeen guryo iyo xarumo si ay u soo qabtaan dad la sheegay in lagu tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin al-Shabaab.

laakiin bilooyin, mararka qaarna sannad kaddib, dadkaasi wax dacwad ah laguma soo oogin, qoysaskoodu ma ogeyn meel ay ku xiran yihiin.

Mid kasta oo ka mid ah kiisaskaas, inkastoo ay qoysasku boliiska u soo sheegeen dadka ka maqan, ayna mas’uuliyiin kala duwan weydiisteen in gacan laga siiyo sidii loo soo heli lahaa haddana maamulayaashu way ku guulaysan waayeen in la socodsiiyaan halka dadkaasi ku dambeeyeen ama inay si habboon baaritaan ugu sameeyaan eedaha tacaddiyada la sheegay.