Claudio Ranieri ayaa sheegay in Riyad Mahrez uu doonayo inuu sii joogo Leicester City.

Tababaraha Leicester City Claudio Ranieri ayaa sheegay in laacibka kooxda difaacaneysa PFA ee Riyad Mahrez sanadkan uu doonayo in uu sii joogo kooxda heysata horyaalka Premi

25-sano jirkan heerka caalami ee reerAlgeria ayaa la Leicester tan iyo 2014 oo ku riyaaqay xilli ciyaareed fiican ku qaatay king power stadium 2015-16, isagoo dhaliyay 17 gool horyaalka Dawacooyinku-ku guuleystay isaga waliba caawiye ka ahaa goolal badan oo kooxda guulo muhiima u horseeday.

Dhawr ka mid ah xidigihii sababay inay Leicester hanato horyaalka ingiriiska ayaa lala xidhiidhinayay inay ka tagayaan kooxda, inkastoo weeraryahanka England Jamie Vardy go’aansaday inuu sii joogo halkii uu ku biiri lahaa Arsenal, Halka ciyaaryahanka khadka dhexe ee France N’Golo Kante laga iibiyay Chelsea.