Turkiga iyo taxadarka looga bahan yahay .W/Q.Qareen .Khadar Aar

Turkiga iyo taxadarka looga bahan yahay .W/Q.Qareen .Khadar Aar Tariikhdu markii ay ahayd 16/7/2016 xilli saacadu ay ku beegnayd 9:30 habeenimo ,ayaa waxaa si lama filana dalka Turkiga uga dhacay afganbi milatari oo lala doonayay in lagu rido dawlada uu madaxda ka yahay Recep Tayyip Erdogan oo xiligaasi afganbigu socda wadana dibada kaga maqnaa.

 

Kooxda Milatariga ee Af-ganbiga waday isla sacadahiiba waxa ay war qorala ku sheegeen in dalka Turkiga ay gacanta ku hayaan , iyaga oo sheegay in ay la wareegeen awoodii dalka oo dhan .

Waxaa casimada dalka markiiba lagu arkay diyaaraha dagaal oo joog hoose ku dulaaya kuwaasi oo kor maraya casimada oo dhan ,taasi oo dhamaan dadkii reer Turki argagax galisay.

Waxa dhamaan wadooyinka qaarkood lagu jaray Taankiyada amma Karayasha dagaalka ,goobaha Taangiyada lagu jaray waxaa ka mid ahaa wadooyinka gala dhamaan garoomada diyaaradaha ee magalada Istanbul iyo Ankara.

Hadaba arinta layaabka lihi waxa ay ahayd ,markii madaxwaynaha dalku uu dadka kala hadlay idacadaha uguna baaqay in ay dibada iyo wadooyinka usoo baxaan ,si ay cadawga wadankooda qabsaday uga dhiciyaan.

Arintaasi waxa ay aad uga yaabisay dad badan oo aduunka ku dhaqan sababta oo ah,Aduunyada waxaa lagu arki jiray afganbi marka uu dhaco ,dhamaan magaloyinka iyo goobaha ganacsigaba bando lagu soo rogo,dadkana looga digo in ay guryaha kasoo baxaan inat amar-danbe laga soo saraayo.

Balse arintan Turkigu waxa ay noqotay mid ka duwan dhaman dhaqamadasi oo badankooda laga isticmalo wadamada Afrika ee ay ku badan yihiin kaligii taliyayasha aan marnaba jeclayn in ay xukunka cidkale kula loolanto.

Waxaa iyaduna dhacday in dhaman dadkii ay qateen amarkii iyo khudbadii madaxwaynaha ,kadibna ay guryaha iyo aqalada dibada uga soo baxeen,si aan gabasho lahayna ay naftooda ugu bimeeyeen in Karayashii iyo dibabadahii ay hor istagaan iyaga oo an wax qoriya an sidan.

Balse akhristaw ma isleedahay Hal iyo Nirig-teed waa ay is ogyihiin amma waa isku dhaqan ,kadib markii milatariga dalkuna aanay shacbigooda u isticmaalin awoodii milatari ee ay lahayeen.

Hadaba wakhtigan xaadirka ah oo la odhan karo wadanka Turkigu waxa uu kusoo noqday sidisii cadiga ahaa ,walay ay jiraan dareeno muujinaya in laga cabsi qabo in ay wadanka ka bilaabmaan rabshado iyo qulqulatooyin raad ku leh kacdoonkii fashilmay.

Madaxweyne dalkaasi Turkiga Erdogan ayaa waxa uu idacadaha ka sheegay in isku-daygan ay ka dambeeyeen koox yar oo ka tirsan milateriga,kuwaasi oo oo tabacsan wadaad dalka masaafuris kaga maqan kuna nool Maraykanka kaasi oo lagu magacaabo FATXULLAAH GULEN.

WAA KUMA FATXULLAAH GULEN.

Ninka odayga ahi asal ahaan waxa uu u’dhashay Turkiga waxaanu ku dhashay isla wadanka ,waxaa da’diisa lagu qiyasaa 75 sano jir ,wakhtigan xadirka ahna waxa uu ku nool yahay wadanka Maraykanka gar ahaan magaalada Saylorsburg, ee Gobolka Pennsylvania.

Tariikhdu markii ay ahayd 1999 ayaa wadadkani uu dalka Turkiga ka tagay isaga oo tagay dalka Mareykanka, xiligaa uu Maraykanka tagay waxa uu si dhakhsa ah u asaasay Urur lagu magacaabo HIZMET kaasi oo adeegyo badan ka sameeya dalka Turkiga gudahiisa ,waana urur inta badan tageera xisbiga Cadaaladda iyo Horumarinta ee AK party.

Marka la eego dhinaca madahiibta waxa uu wadaadkani yahay mid suni ah gaar ahaan dhinaca suufiyada oo uu aad u aamisan yahay ,waa nin lagu tilmaamo in uu yahay dadka dageera waxa loogu yeedho fekradaha islaamiga ah ee dhexdhexaadka ah.

Waa nin ka horjeeda waxa loo yaqaano xagjirnimada, waxa uu kulamo aanu qarsan markasta oo lasameeyaa madaxda kaniisadaha,tariikhdu markii ay ahayd 1990 ayaa waxa uu kulan la yeeshay baadariga u sareeya kaniisada Katooliga Pope Paul .

Waa nin aan inta badan jeclayn in Saxaafada uu la kulmo wararna uu siiyo ,ilaa wakhti ay ka fursan waydo mooyaane. wadamada reeryurub iyo Maraykan waxa ay ku tilmamaan in uu yahay wadaad dhexdhexaad aadna ugu janjeedha fikirka iyo hab maamulka reer Galbeedka.

Ururka la magac-baxay HIZMET ee wadaadkani uu dalka Maraykanka ka sameeyay ,waa urur gargaar oo dhinaca cafiimadka ku bixiya adeegyo Lacag la’aana ,taasi oo la odhan karo waxa uu ku hantay soojidashada dad badan oo Turki ah.

Dad badan oo siyasada wadanka Turkiga u dhuun daloola waxa ay amin sanyihiin ,in wadaadkan iyo madaxwaynaha Turkigu ay wakhti badan ahayeen kuwo dhinaca siyasada xulifo ah ,dhinacna kasoo wada jeeda .taasi oo ay cadayn u tahay in ururkan uu wadaadkani leeyahay Madaxwayne Erdogan ka tageeray dhinaca dorashada markii uu tartanka ku jiray.

Waxaa dadka qaar ku tilmaaman in wadadkani uu yahay mid intii uu wadanka maraykanka joogay barnamijkiisa siyasadeed uu kor u kacay,waxa la sheegaa in wadanka Turkiga Gudahiisa uu ku leeyahay tagerayaal aad u farabadan.waana nin ay saxafada iyo warbahinta reer galbeedku aad u buunbuniyaan.

Wadaadkan isaga ahi waxa uu madaxwayne Erdogan iyo xukuumadiisaba u arkay in ay tahay mid qaabkii kaliguu talisnimada u shaqaynaysa ,kadibna waxa ay si toos ah isugu dhaceen kadib markii baadhis aad u qoto dheer lagu sameeyay arimo musuqmaasuq oo dalka ka dhacay,kuwaasi oo shaqadii lagaga eryay sarakiin badan oo la xulafa ahaa Wadadkan sanadkii 2012.

Muddo yar ka bacdi waxaa olole aad u xoog badan lagu qaaday sarakiil aad u fara badan oo loo arkayay in ay xidhiidh dhaw la leeyihiin Wadaadka lagu magacaabo Gulen.kadib markii lagu eedeyay in ay wadaan Inqilaab hoose oo ay donayaan in ay ku ridaan dawladan Erdogan.

Hadaba isku dhacii ugu balaadhnaa waxa uu ahaa kii sanadkii 2014 kaasi oo madaxweyne Erdogan shaqadii kaga eryay sarakiil aad u badan oo boqolaal gaadhaya ,kuwaasi oo isugu jiray Milatari iyo Boliska.

Hadaba iyada wadanka maraykanku uu arintaasi ka hadlay in aanu wax shaqo ah ku lahayn ayaa hadana waxa ay ila badan oo arimahan dalka Turkiga u xogogaal ahi ay rumaysan yihiin in maraykanka iyo dawlado badan oo reer yurubii ay arimahan ka danbeeyaan.

Wadaadka laftiisa oo arimahan ka hadlay isaga oo jooga dalka maraykanka ayaa waxa uu kasoo horjeestay edaynta lagu soo eedeyay in uu lug ku leeyahay afganbigii dhicisoobay ee dalka Turkiga.

SIYASADA TURKIGU HALKAY KU DANBAYN DOONTA

Waxaa wakhtigan xaadirka ah soo baxaya in Madaxwayne Erdogan uu cadhadii iyo ciilkii uu kula dhex dhacay ragii uu islaha waxa ay ka danbeyeen inqilaabka ,iyada oo la sheegaayo in kumaankun ka tirsan Milatariga waxna jeelasha loo taxaabay waxna shaqooyinkii laga eryay.

Waxaa kale oo iyadana la dareen san yahay, in sarakiil badan oo dalkan Turkigu in badan ku faani jiray in ay kacdoonka dhacay awadii ay xilalkooda ku waayo donaan ,taasi oo la odhan karo waxa ay caqabad wayn ku noqonaysaa madaxwaynaha dalka laftiisa.

Hadii aynu xoogaa faalo ah ka bixino mushkiladaha faraha badan ee Turkiga hore u haystay ee ay ka mid ahayeen ,caqabadaha iyo faquuqa kaga imanaya dawladaha reer galbeedka iyo maraykanka oo ulo-booca ugu tukubaya sidii ay mar uun nidaamka madaxwayne Orgodan u ridi lahayeen.

Waxaa kaloo jira in wakhtigan xadirka ah dalka Turkigu uu ku jiro siyasad dhexdhexaada oo dadka qaar ay u fahmi karaan in ay tahay Turkigu dawlad islaam ah oo badhax tiran .

Fikirkaasi oo aan isleeyahay maha mid sida la moodaayo u jira ,waxa aan ka hadlaya waa nidaamka distoor ee Turkiga u dhisan oo aan waxba ka duwanayn nidamada ay leeyhiin dawladaha kale ee Muslimiinta ah .

Balse hadana Madaxwaynaha Turkiga ayaa waxa lagu tilmaami karaa in uu yahay nin faham-san dabin-daabyada iyo dabinada ay dad badan oo cadawgiisa ahi ay la magan yihiin .

Wadanka Turkigu waxa uu ka mid ahaa wadamadii dunidan aynu ku nool nahay ugu xadarada iyo xooga badnaa ,taasi oo uu ku helay awoodii faraha badnayd ee ay Dawladahii islamiga ahaa ee turkiga soo maray uu ka dhaxlay,sida dawladii Cusmaniyiinta iwm.

Hadaba hadii madaxwayne Ergodan sida uu hadaba bilaabay uu kaga dhabeeyo in dhamaan sarakishii iyo hawlwadeenadii ku lugta lahaa kacdoonkii dhicisoobay uu talaabo ka qaado.taasi waxa ay ku keeni doontaa xagal daac aad u farabadan wadankuna waxa uu gali doonaa xalad uu isagu gudahiisa isku jeesto ,taasi oo cadawguna ay ka fa’idaysan donaan.

Sida la wada yaqaano marka ay arimahan oo kale ay dhacaan waxaa hubala in madaxwaynaha dalku uu ka fikiro in dhamaan dadkuu uu islaha hawshan inqilaabka ayay ku lug-lahayeen in uu badhna xidh-xidho qaarkalana uu shaqada ka eryo,taasi oo ku noqon doonta caqabad wayn oo ka hor imandoonta mustaqbalka dhaw .

Waxa iyaduna meesha soo galaysa in rag badan oo dalka iyo dadkaba waxtar u ahaa balse hawlahan dalka ka dhacay ay sinbiririxiyeen in ay cabsi ay ka qabaan dawlada dalka dibada uga baxaan,kadibna ay kasoo jeestaan dalalka kasoo horjeeda siyasada madaxwayne Ergodan.

Waxaa kaloo meesha iman kara in dhaqalaha wadanka Turkiua oo loo arko in uu wakhtigan kor u socdo in uu hoos u dhaco ,hadii madaxwaynahu aanu qaadin talaboyin aad u taxadar badan oo uu arimahan ku maraynaayo.

Waxaa kaloo dhimanaysa kalsoonidii iyo is-aminkii madaxda dawlada,waxaa bilaabmaya xiligan oo kale xuuraan iyo is-xulafaysi aan caadi ahayn taasi oo dhamaan dalka oo dhan horu-markiisa dhaawici karta.

Wadanka Turkigu marka dhaqalahiisa waxbadan loo kuur galo malaha warshado waawayn oo wax soo saar balse hadana waxa la odhan karaa waxa uu ahaa Turkigu wakhtigan xaadirka ah mid dhaqalahiisu uu kor usoo kacaayo.

Inqilaabkii fashilmay ee Turkiga waxa iyaguna si aad ah uga naxay dawlado yaryar oo Turkigu dhaqala ahaa kabayay kuwaasi oo ay ka mid ahayeen dawlada Somaliya ,Ethopya iyo Jabuti iwm ,kuwaasi oo isaga laftiisu uu ku lahaa dano siyasadeed, hadii siyasada wadanku ay saldhigi waydo meesha ka baxaaya.

Waxaa kaloo iyana jira in wadanka Turkigu heshiin aan dhamays-tir wali noqon uu la saxeexday dawladaha reer Yurub ,kuwaasi oo ka dalbaday in Qaxootiga faraha badan ee kasoo gudbaaya xadkiisa uu halkaasu ku hayo kuna masruufo ,iyaguna ay ka tageeri doonaan dhinaca dhaqalaha.

Heshees kaasi ayaa isaga laftiisu waxa uu Turkiga ku noqon karaa caqabad hor-leh ,sababta oo ay way adag tahay in dawladaha Yurub oo dhan uu Albaab u noqdo ka ilaaliya qaxootiga faraha badan ee kusoo qulqulaaya .

Balse arimahaasi Qaxootiga waxa aad moodaa Madaxwayne Erdogan in uu u dhag-raariciyay taasi oo la odhan karo madaxwaynaha waxa uu u xeeladaysanaya sidii ay reer yurub mar uun u aqbali lahayeen in uu ka mid noqdo dawladaha la-isku yidhaahdo midawga yuruf oo aanu iminka ka tirsanayn balse qaarad ahaan uu ka mid yahay.

Wadanka Turkiga waxa kaloo jira jabhada gudaha turkiga kaga furan oo in muda ahba dagaalo ku hayay ,walay ay adag tahay sidii ay jabhadaahasi ay uga fa-idaysan lahayeen kacdoonadan iminka jira,hadana waxa la odhan karaa markasta oo siyasada wadanka ay ruxanto waxa ay jabhadkasi heli karaan awoodo aanay markii hore aanay haysan, haba-uguratee dhinaca muralka (niyad dhiska)

Akhristayaal waxa aan faladaydan kusoo gunanadayaa, bad-badada wadanka Turkigu waxa ay ku xidhan tahay hadba madaxwayne Ergodan iyo saaxibadii qaabka iyo xeelada ay ku xaliyaan xurgufaha aadka u wayn ee wadanka soo foodsaaray.

Hadii uu damco in uu madaxwaynahu arimahan ku xaliyo xoog iyo kanna xidhan,kuwana xilka ka qaad,kuwa kalana kharaji ,qaarna wadanka dibada hawga baxaan,taasi waxa ay dhamaan dalka Turkiga ku noqon doontaa dib u dhac wayn oo aanu kasoo waaqsan,cadawgiisina waxa ay heli jaanisyo aanay markii hore aanay helayn balse ay hada ka fa’idaystaan.

Hadii uu madaxwaynuhu arimahaasi ku kacana ,waxaa hubala in dalkuna uu galaayo xaalad adag ,isaguna wakhtigiisa uu ku dhamaysan doono cabsi iyo fojignaan aan loo bahnayn ,taasi oo keeni doonta in uu cadaw badan ku yeesho dalka gudahiisa.

 

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com

https://twitter.com/khadar_aar

W.Q .Qareen/khadar Ibrahim Aar