Wasiirka Gaashaandhiga Somaliya Oo La Kulmay Xoghayaha Qaramada Midoobay U Qaabilsan Caruurta Ku Nool Wadamada Colaaduhu Ka Jiraan

Muqdisho(Soomaal News):-Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa maanta ku qaabiley xafiiskiisa wafdi ballaadhan oo ka socda Qaramada Midoobabey, kaas oo ay hoggaaminaysay  u qeyb sanaha Xog-hayaha guud ee QM Arrimaha caruurta ku dhex nool wadamada qilaafka hubeysan ka jiro Mrs Leila Zerrougui.  Waxana ay  uga wada hadleen  kulankooda sidii ay  Dawladda Soomaaliya  mar kale u xaqiijin lahayd in laga dhowro caruurta da’doodu ka hooseyso 18 kamid noqoshada askarta iyo ilaalinta xaquuqda caruurta xiliga lagu jiro dagaallada.

Wasiir Diini oo arrimahaasi ka hadlaya ayaa  waxa uu yidhi “Arrintan waxay sii xoojinaysaa ballan-qaadkii ay dowladda federaalka Somalia gashay ee ku saabsanaa ilaalinta iyo ka hortegidda in carruurta yar-yar laga dhigo askar iyo weliba in wax laga qabto arrimaha la xiriira sidii carruurta yar-yar looga saaro goobaha dagaalka”.

Kooxda Al Shabaab ayaa farsamooyin kala duwan u adeegsata ciyaalka ay ka qafaalato goobaha ay gacanta ku hayaan , waxayna degmooyin kala duwan oo koonfurta Soomaaliya kamid ah si khasab ah uga kaxeystaan caruurta da´ada yar iyagoo waalidiintood dil iyo xarig ugu hanjaba.

Kulanka uu la qaatay Wasiirka Wafdiga ka socda Qaramada Midoobay ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda.