Akhri: Taariikhdii Sheekh Xassan Turkey

 

Sheekh Xasan C/llaahi Xirsi Turki Sanadku markuu ahaa 1944 ayuu ku dhashay magaalada Qabri Dahare ee kilinka Shanaad ee hadda Ethiopia maamusho isla degaankaas ayuuna ku bar baaray.

Sheekh Xassan Turki oo la aaminsanyahay inuu ka mid ahaa shaqsiyaadka aaminsan afkaaraha ururka Al-Itixaad Al-Islamiyah waxaa dadka yaqaan ay sheegaan inuu ka qeyb galay dagaalkiii sanadkii 1977 dhex maray dawladihii xilligaas ee dalalka Soomaaliya iyo Ethiopia.

Wadaadkan Al-Shabaab ay sheegeen inuu geeriyooday waxaa uu caan ku ahaa dagaalada iyo abaabulida dhalinyarada.

Markii ugu horeysay 3dii bishii June sanadkii 2004kii qaraar tirsigiisu ahaa  13224, oo kasoo baxay xafiiska Madaxweynihii Maraykanka ee xilligaas Goerge W. Bush ayaa xanibaad dhaqaale loogu soo rogay Xassan Turki.

Xassan Turki waxaa uu sanadkii 2006 uu noqday hogaamiyihii ciidamada maxkamadihii Islaamiga waxaana badi uu fadhigiisu ahaa gobolada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

Bishii Septemaber 3deedii sanadkii 2006 Ciidamo uu hogaaminayay Sheekh Xassan Turki ayaa ku duulay magaalada Kismaayo oo uu xilligaas ka jiray maamul hoos tagayay maamulkii isbahaysigii Dooxadda Jubba maalin kadibna ayadoo dagaal dhicin ayuu qabsaday maalintaas Xassan Turki waxaa uu sheegay inay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta Kismaayo waxaana lagu eedeeyaa inuu dhulka dhigay oo uu dajiyay calanka Soomaaliya oo ka dul babanayay dhismaha aqalka madaxtooyada Kismaayo saarayna calankii maxkamadaha ee hadda Al-Shabaab adeegsado.

Labadii bishii March sanadkii 2008 Sheekh Xasan C/llaahi Xirsi Turki waxaa uu ka bad baaday duqeyn ay diyaaradaha Maraykanku gaar ahaan nooca AC 130 ay ka geysatay guri uu kaga sugnaa magaalada Dhoobley.

Duqeyntaas waxaa la aaminsanyahay in asagu uu bartilmaameedku ahaa hase ahaatee waxaa ku geeriyooday saraakiil Soomaali iyo ajaanib iskugu jiray oo xilligaas kulan lahaa.

Sheekh Turki waxaa la sheegaa inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay aas-aasida kooxda la yiraahdo Raaskaambooniyiinta marna waxaa uu ka mid noqday hogaamiyaashii ururkii bur buray ee Xisbul Islaam oo uu ka ahaa ku xigeenka 1aad ee Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Horaantii sanadkii 2010kii ayaa la aaminsanyahay inuu dhanka Al-Shabaab u goostay kana baxay Xisbul Islaam wixii xilligaa ka dambeeyayna saameyn muuqata Al-Shabaab kuma lahayn.

Bishii June sanadkii 2012 ayuu Xasan Turki kusoo baxay liiska shaqsiyaad ay dawlada Maraykanku ku doon doonayso lacag malaayiin doollar ah waxaana shaqsi ahaantiisa madaxiisa dul taalay lacag dhan 3 million oo Dollar.

Sheekh Xasan C/llahi Xirsi “ Xasan Turki” waxaa la sheegaa inuu ka mid ahaa shaqsiyaadka Soomaalida ah ee dalka Afghanistan kula kulmay hogaamiyihii la dilay ee Al-Qacida Cusama Bin Laden waxaana lagu eedeeyaa inuu wax badan ka ogaa weeraro lagu qaaday safaarado Maraykanku ku lahaa dalalka Tanzania iyo Kenya weeraradas waxay galaafteen nolosha boqolaal ruux.

Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage “Cali Dheere” ayaa warbaahintooda u sheegay in Sheekh Xasan Turki uu ku geeriyooday degaanka Hargaysa Yarey la yidhaahdo waxaana Cali Dheere sheegay in wadaadkani uu u geeriyooday xanuun uusan sheegin waxa uu yahay.

Waxa soo uruuriyay Mr. Moosmo

www.Soomaalnews.com