Akhri:Taariikhda Madaxweyne Xassan Sheekh

 

Mudane Xassan Sheekh Maxamuud wuxuu ku dhashay Magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan 29 November sanadkii 1955. waxa uu ka bilaabay waxbarashada Quraanka iyo mida hoose. Waxbarashada sare wuxuu u soo aaday Magaalada Muqdisho isagoo ka dibna ku biiray Jaamacadii Ummada Soomaaliyeed ‘SNU’ sanadkii 1978. Wuxuuna ka qalinjabiyey sanadkii1981. Sanadkii 1981 ayuu Xasan Sheekh ka qalinjabiyey Jaamacada Phobal University ee dalka Hindiya, wuxuuna ka qaatay shahaadada Master Degree. Sanadkii 1993 ayuu dalka dib ugu soo laabtay wuxuuna shaqo ka helay Hay’adda QM, gaar ahaan qeybta maalgelisa gurmadka daryeelka carruurta ‘the United Nations International Children’s Emergency Fund’ { UNICEF} isagoo noqday sarkaalka dhanka waxbarashada ee u qaabilsan hay’adda dhanka waxbarashada Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya. Xilkaasi waxa uu hayey tan iyo markii ay Ciiddamadda UNOSOM ee Hawlgalka Somalia ‘The UN Operation in Somalia’ ka baxeen gudaha dalka Somalia sannadkii 1995. Sanadkii 1999 wuxuu aas aasay machadka Horumarinta Maamulka iyo Maareynta ee Somalia ‘The Somali Institute of Management and Administration Development’ ee magaalladda Mogadishu {SIMAD} oo hadda isu bedelay Jaamacad kuna yaalla magaalada Muqdisho. Sanadkii 2011 ayaa Xassan uu Magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay oo uu aas-aasay xisbi uu u bixiyey Nabada iyo Horumarka ‘The Peace and Development Party’. [PDP] kaasoo uu isagu gudoomiye ka noqday. Xassan Sheekh wuxuu ku hadlaa luuqadaha Soomaali, Carabi iyo English. waana Aqoonyahan, Siyaasi iyo U-ololeeye muddo dheer la soo shaqeeyey Ururradda Caalamiga iyo kuwa aan Dawliga ahayn ee ka shaqeeya Nabadda iyo Horumarinta. Sida dadka yaqaana ay sheegayaan Xassan waxaa uu aad ugu dhow yahay ururka Al-Islaax, waana nin aad u dhexgala qeybaha kala duwan ee bulshada oo dabcan haddana sabab u noqotay inuu ku guuleysto madaxtinimada dalka.

Prof. Xasan Sheekh waxaa lagu daray Abriil 2013; 100ka qof ee aduunka ugu saamaynta badan.

Madaxweyneha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamud oo la doortay 10kii sebtembar 2012,xasan sh maxamuud markii la doranayay wuxuu u ka mid ahaa dadka Soomaaliyeed ee rayidka ah, waxaanuu ahaa nin caan ku ah waxtarka iyo caawinta bulshada tabaalaysan dhan kastoy ahaataba.

Madaxweyne Xassan waxa lagu tilmaamaa inuu yahay madaxweynihii ugu waxqabadka badnaa Soomaaliya intii ay burburtay dawladii dhexee madaxweyne Siyaad Barre , waxaanuu madaxweyne Xassan Sheekh guulo waawayn ka gaadhay dhanka nabada Soomaaliya isagoo xoreeyay dhul aad u balaadhan, waana madaxweynihii ugu horeeyee dhul intaas leeg maamulkiisu wada gaadho Soomaaliya.

Madaxweyne Xassan Sheekh waa madaxweynihii ugu horeeyee ee federaalka Soomaaliya kadib markii laga baxay ku meel gaadhkanimada.

Horumarada dhanka amaanka ahee Madaxweyne Xassan Sheekh lagu xasuusan doono waxa ka mid ah hub ka dhigistii dadweynaha xaafadaha magaalada caasimada ahee Muqdisho, taasoo qayb wayn ka qaadatay inay yaraadaan xasaradihii caasimada iyo amaan xumadii halkaysay wadankeena.

Sidoo kale waxa lagu xasuustaa in Madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay in Dowlada ay ku dadaaleyso sidii Soomaaliya loogu joojin lahaa Qaadka Ama Jaadka.

Madaxweyne Xasan sheekh ayaa sidoo kale sheegay in Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladaba aysan dan ugu jirin in Qaadka la keeno Dalka. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in Qaadku uu dhibaato badan ku hayaa dalka isla markaana dhaqaalihii dalka uu hoos u dhigay.

Madaxweyne Xassan Sheekh waa shaqsi u daacada horumarka dalkiisa, diintiisa iyo dadkiisaba. Waana masuul had iyo jeer u heegana sidii uu dalkiisa ugaga tagi lahaa subcad iyo waxqabad lagu xasuusto. Alla ha daayee.