Ciidamo Cusub oo ka socda dalka Burundi oo kasoo dagay Garoonka Aadan Cadde

Muqdisho {Soomaal News}–Ciidamo cusub oo kasocda dalka Burundi ayaa kasoo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ciidamadan ayaana loogu tala galay in ay badal u noqdaan ciidamo kale oo dalkooda dib ugu laabanaya.

Saraakiil katirsan Ciidamada AMISOM ,ayaa ciidankan cusub kusoo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde, waxaana ciidamadan buuxin doonaan kaalinta ciidamo kale oo waqtigooda dhamaaday dalkooda dhawaan dib ugu laabanaya sida ay saraakiisha AMISOM sheegeen.

Major John Manirakiza, oo kamid ah saraakiisha ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi ayaa sheegay in ciidankan cusub ka rajeenayaan in wax qabad muuqda la yimaadaan ayna halkooda kasii wadaan taageerida Nabada Soomaaliya.

Dhawaan ayey aheed markii sidan oo kale Muqdisho usoo gaareen Ciidamo kale oo kasocda dalka Uganda, kuwaa oo iyana lagu badalay ciidamo kale oo horey uga howl galayay gobolka Shabeelaha Hoose waqtigii howlgalkoodana uu dhamaaday.