Akhri :- Macalinka Manchester United Jose Mourinho Oo Diiday Inuu Saxiixo Maaliyada Kooxdiisa Hore Ee Chelsea.

Jose Mourinho ayaa diiday inuu saxiixo maaliyada kooxdiisa hore ee Chelsea isagoo saxiixyo u sameynayay taageerayaal iyadoo kooxdiisa haatan ee Manchester United ay booqasho ku joogto dalka Shiinaha.

The Special One ayaa seddex horyaal oo Premier League, seddex League Cup iyo FA Cup la qaaday Chelsea labo jeer uu macalin ka noqday kooxda ka dhisan Stamford Bridge.

Qeybo badan oo ka mid ah taageerayaasha kooxda ayaana ku heesayay magaciisa ka dib waqtigii adkaa ee uu xilli ciyaareedkii hore ku wajahay Blues ka hor inta aan la ceyricayaarnin bishii December ee sannadkii hore.

Haatan oo uu tababare u yahay Manchester United waxa uu diiday maaliyad Chelsea ah oo loogu soo bandhigay inuu saxiixo iyadoo Red Devils ay booqasho ku mareyso Shiinaha.

Mourinho oo saxiixayay maaliyado Manchester United ah ayaa madaxa luxay markii loo soo taagay maaliyada Chelsea.