Difaaci Waynaa Ee Reer Barcelona Carles Puyol Oo Ka Careysiiyay Dadka Reer Catalan Ka Dib Markii Uu Yiri: “Waxaan Ahay Isbaanish”

Carles Puyol ayaa ka careysiiyay dad badan oo reer Catalan ah ka dib markii uu ka soo muuqday muuqaal xayaysiin ah isagoo leh: “Waxaan ahay Carles Puyol, waxaana ahay Isbaanish”

Daafaca halyeeyga Barcelona oo seddex Champions League la qaaday kooxda Catalans ayaa fariimo aflagaado ah ka helay baraha bulshada ka dib markii uu ka soo muuqday xayaysiin uu sheegayo inuu yahay Isbaanish.

Inkastoo uu yahay Isbaanish islamarkaana uu xubin ka ahaa xulkiisa Spain ee Koobka Adduunka ku guuleystay hadana xiisad ayaa ka dhex taagan gobolka Catalonia iyadoo dad badan ay doonayaan inay ka go’aan Spain inteeda kale oo xor ka noqdaan. piyool