Man United v Dortmund – Goormaa La Ciyaaraya? + Muxuu kulankaan ku saabsan yahay?

Tababare Jose Mourinho ayaa si rasmi ah maanta u bilaabi doona ka qeyb qaadashadiisa koobka International Champions Cup iyadoo Manchester United ay dalka Shiinaha kula ciyaari doonto kooxda jarmalka ee Borussia Dortmund. Hadaba laacib.net ayaa idiin soo gudbineysa wax walba aad u baahan tahay inaad ka ogaato.

Goormaa la ciyaarayaa?

Manchester United vs Borussia Dortmund waxaa la ciyaarayaa maanta oo Jimce ah Saacada Geeska Afrika marka ay tahay 3da galabnimo.

Muxuu kulankaan ku saabsan yahay?

Kulankaan oo ka dhacaya Shanghai Stadium waa kulan ka tirsan koobka International Champions Cup – laakiin xaqiiq ahaan waa kulan saaxiibtinimo. Si kastaba, si loo helo cid ku guuleysata tartanka haddii barbaro ay galaan labada kooxood waxa ay ku kala baxayaan rigoore. Waa kulanka ugu soo horeeya ee labo kulan oo ay Manchester United ciyaari doonto inta ay booqashada ku joogaan Shiinaha, iyadoo kulanka kale ay la ciyaarayaan Manchester City maalinta isniinta.