RASMI: Barcelona Oo Ku Dhawaaqday Heshiiska Andre Gomes Iyada Oo Real Madrid Ku Garaacday Saxiixa Xidiga Kooxda Valencia Ee Gomes

Kooxda Barcelona ayaa guul wayn ka soo hoysay tartankii loogu jiray xidiga khadka dhexe ee xulka qaranka Portugal iyo kooxda Valencia ee André Gomes. Barcelona ayaa hadda si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay heshiis la gaadhay kooxda Valencia isla markaana uu André Gomes todobaadka danbe saxaafada loo soo badhigi doono.

Kooxaha Yurub ugu waa wayn ayaa dagaal ugu jiray saxiixa Gomes waxaana Barcelona tartan xoogan kula jirtay kooxda ay sida wayn u xifiltamaan ee Real Madrid. Sidoo kale kooxaha Manchester United, Chelsea, Liverpool, Juventus iyo kooxo kale ayaa si wayn u doonayay Andre Gomes, balse ayaa ugu danbayn Camp Nou ka soo dajisay xidigan ree Portugal.sport