Trump oo aqbalay musharaxnimadiisa

Donald Trump ayaa rasmiyan aqbalay in uu noqdo musharaxa xisbiga jamhuuriga ee doorashada mareykanka ka dhici doonto bisha November ee sanadkan.

Hadal uu ka jeediyay shir weynaha xisbiga ee magaalada Cleveland ee gobolka Ohio, ayaa Trump waxa uu ballan qaaday arrimo dhowr ah, waa haddii loo doorto madaxweynaha Mareykanka.

Trump ayaa sheegay in kala dambeynta uu ku soo celin doono mareykanka isla markaana uu wax ka qaban doono soo galootiga sharci darrada ah iyo in uu danaha mareykanka ka hor marin doono wax kastaa marka laga hadlayo siyaasadda dibadda ee mareykanka.

Waxa uu ballanq adaay in uu wax ka qaban doono soo galootiga sharic darrada ah, isaga oo sheegay in dadka muhaajiriinta ah hadda lagu sii dhex daayo shacabka mareykanka iyaga oo aan la eegeynin amniga.

Trump ayaa aad u dhaliilay musharaxa xisbiga dimuquraadiga Hillary Clinton iyo madaxweyne Obama oo uu ku eedeeyay dhibaatooyinka ka jira dalalka Liibiya, Ciraaq iyo Suuriya.

Waxa uu isku tilmaamay in uu yahay shakhsiga u taagan dadka la iska illaabay ee mareykanka.