Xeerar Cusub oo lagasoo saaray kubada cagta Ingiriiska

Hadal ay wada jir u soo saareen naadiga premier league, xiriirka kubbadda cagta Ingiriiska iyo ururka kubbadda ee Ingiriiska waxay sheegeen in akhlaaq xumadu ay gaartay heerar aan la aqbali karin. Laga bilaabo xilli-ciyaareedkan soo socda, warqadda cas ayaa loo taagayaa ciyaartoyda isku taaga garsooraha, isticmaalana aflagaaddo ama gacmaha ku taagtaaga.

Waxaa

kaloo aad loo ilaalinayaa dabeecadda ka jirta aagga ay fariistaan garsoorayaasha ciyaarta maamulaya iyo maamulayaasha kooxaha.

Hal ciyaartoyna looma saarin inuu garsoore caayay ama aflagaaddo isticmaalay shantii xilli-ciyaareed ee ugu dambeeyay tartanka premier league.

Laakiin guddoomiyaha premier league Richard Scudamore waxaa uu sheegay inay jirtay walaac laga qabo intii muddo ahaydba in ciyaartoydu ay xadkoodii ka soo gudbayaan.

Waa mas’uuliyaddeenna wadar ahaaneed in dabeecadda noocaas ah aan dib dambe loogu dul qaadan, ayuu hadalkiisa ku daray.

Arrimahani waxay dhacaan marka ay jiraan ciyaaro aad u kulul ee kubbadda cagta. Waxaan weli u baahan nahay xamaasadda iyo rabitaanka taageerayaashu ku raaxeystaan laakiin ciyaartoyda iyo maamulayaashu waa inay ogaadaan inay jiraan khadad aan la soo dhaafi karin.

Gefafka lagu mutaysan karo yellow card-ka waxaa ka mid ah:

In si muuqata oo xushmad darro ah loola dhaqmo garsooraha ciyaarta. In jawaab dagaal ah lagala hor yimaad go’aanka garsooraha. In garsooraha la isku taago fool-ka fool. In garsooraha xaggiisa loo soo ordo si go’aankiisa looga murmo. Aflagaaddo, caayid ama af-xumo lagula kaco garsooraha, ama gacmaha oo lagala hadlo. Garsooraha oo jirkiisa la taabto. Laba ciyaartoy ama ka badan oo garsooraha ku soo xooma ugu yaraan mid ka mid ah ayaa la siinayaa yellow card.