Akhri : – “Kama Tirsani Isbahaysiga KULMIYE Musharaxayguna + Waa Muuse Biixi Xildhibaan Kijaandhe

Guddomiyaha Guddi hoosaadka Arrimaha Dibada ee Golaha Wakiillada Somaliland Axmed Nuur Kijaandhe ayaa si rasmi ah maanta u shaaciyay inuu  ka baxay garabka isbahaysiga Xisbiga KULMIYE isala markaana uu dib ugu laabtay Xisbigiisii KULMIYE islamarkaana uu dhisaayo Musharax Muuse Biixi Cabdi waxaanu yidhi Xildhibaan Kijaandhe”Anigu Isbahysiga  kama tirsani waanan ka baxay ,markii wixii yaraa iska laalmeen(Isbahysiga) waxay ila noqotay inaan xusbigaygii inta aanan kaga tagin ,musharaxnimadaydiina way murkacatay Xisbigaygana waan ku noqonayaa”ayuu yidhi Xildhibaan Kijaandhe.

Axmed Cabdi Kijaandhe oo hadalkiisa sii wataa waxa uu sheegay in wixii maanta laga bilaabo uu dhisayo Musharax Xisbiga KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi waxaanu yidhi “Xor bay u yihiin hadii ay iyagu (Isbahysigu )wadahadalo la furaan waddani ,laakiin aniga waxay ila noqotay  inaan xisbi cusub galin ,waa layga soo doortay Xisbiga KULMIYE maalintii lagu dhawaaqay ilaa maanta waan taaganahay waxaabad moodaa inaan meel kale garanayan ,waan dhisayaa Muuse Biixi waanan taageersanahay waana musharaxaygii ,waanan is daba taagayaa Xisbigaygiina waan ku noqonayaa”ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Cabdi kijaandhe

Siyaasigani ayaa ah kii labaad ee ka baxa garabka isbahaysiga KULMIYE waxaana uga horeeyay Musharax Cabdicasiis Maxamed Samaale oo hore uga baxay Garabka Isbahaysiga dibna ugu laabtay Xisbigiisii KULMIYE .kijaandhhhe