Cabdi iley uu balantii uga baxay salaadiinta iyo Odayaashii Gaashaamo ee Jigjiga kusugnaa ?

Salaadiinta iyo waxgaradkii kasocday deegaanka degmada Gaashaamo ee magaalada Jigjiga kusugnaa ayaa kudib jiray magaalada kadib markii uu madaxa maamulka Kililku diiday inuu mar kale kulan layeesho.

Horjooge Cabdi iley ayaa hal kulan oo uu layeeshay Odayaasha waxaa uu u sheegay inuu diyaar u yahay in ladhameeyo wixi dhib ah ee kajira deegaamada Hoostaga degmada Gaashaamo, waxaana Odayaasha uu u sheegay inuu Addis ababa aadayo marka uu kasoo noqdayna ay yeelan doonaan kulama kaladuwan oo xal waara lagu gaadhayo.

Cabdi iley ayaa salaadiinta iyo Odayaasha lasocday ku wargaliyay inay kahadlaan Tv-ga oo dushana saartaan masuuliyada wixii kadhacay Tuulada Jaamac Dubad iyo Guud ahaan deegaamada Gaashaamo, sidoo kalana ay cambaareeyaan maamulka Somaliland iyo dadkii xadka kasoo gudbay ee sababta u ahaa xasuuqa sida hadalka ay isula fahmeen Labada dhinac.

Waxgaradka ree Gaashaamo ayaa fuliyay balantii ay lagaleen Horjooge Cabdi iley balse markii uu kasoo noqday magaalada Addis ababa, ayuu Horjooguhu Gaashaanka kudhuftay inuu wax kulan ah layeesho Odayaasha oo sidii laysku Ogaa sugayay.

Salaadiinta ayaa kulamo waxa ay layeesheen salaadiin iyo Ugaasyo kale oo kusugan magaalada Jigjiga kuwaasi oo Cabdi iley Ergo ahaan ugu tagay balse iyagiina uu canaan iyo Aflagaado isugu daray, isaga oo ku wargaliyay inaysan mar dambe kusoo noqon Gurigiisa.

Salaadiinta iyo waxgaradka lasocda ayay Layaab kunoqotay is khayaanada iyo dhagarta uu u maleegay madaxa maamulku, waxaana ay isu diyaarinayaan inay dib ugu noqdaan halkii ay kayimaadeen iyo magaalada Gaashaamo.iiley