DEG-DEG: Kooxda Sunderland Oo Dib Premier League Ugu Soo Celisay Tababare David Moyes

Kooxda Sunderland ayaa tababarihii hore ee kooxaha Everton iyo Manchester united David Moyes u magacowday tababareheeda cusub ee kooxda isaga shaqada kala badli doona macalinka la wareegaay shaqada xulka qaranka England ee Sam Allardyce.

Kadib markii shalay Tababare Sam Allardyce ka tagay shaqada kooxda Sunderland si uu ula wareego shaqada xulka qaranka England kooxda Sunderland ayay wakhti yar ku qaadatay in ay magacaabaan badalkiisa.

Moyes oo lala xiriirinayay kooxo badan tan iyo markii uu ka tagay shaqada kooxda Real Sociedad xilli ciyaareedkii hore ayaa ugu dambayn qalinka ugu duugay kooxda Sunderland heshiis 4-sano ah.

isaga oo la hadlay website-ka kooxda Sunderland ayuu yidhi”waxa aan ku faraxsanahay in aan ku soo biiray kooxda Sunderland waxa aan sugi kari laayahay in aan bilaabayo la shaqaynta xiddigaha kooxda waxa aan isku dayi doonaan in aan wax walba u qabto sidii aan kooxda uga dhigi lahaa koox laga baqo”