Mise Ogtahay Mudane, In Dadku aad ula Yaabanyahay In Aan Xisbiga lagugula Tartamin Ood Diimuqraadiyaddii Laashay +Fariin Ku Socota Gudoomiyaha/Musharaxa Kulmiye: Mudane Muse Bihi Abdi

Fariin Ku Socota Gudoomiyaha/Musharaxa Kulmiye: Mudane Muse Bihi Abdi
(Isdiidooyinka Xisbul Xaakimka)!! Qaybtii 1aad.
~ Ma Ogtahay Mudane, In Lix Sano Iyo Dheeraad Ballantii Aad Ummadda U Qaaddeen Ee Ahayd Ictiraafka Aan Xisbigaaga Laga Hayn Walina aad Rabtaan in aad Mar Labaad Rabtaan in aad Dadka u balanqaadaan Ictiraaf Kale?
~Ma Ogtahay Mudane, In Caasimadda Hargeysa Lixdaa-Sano Iyo Dheeraadkaa Haraadkii Meel Xun Gaadhay, Danyartuna Aanay Haysan Biyo Ay Cabaan Oo Aanay Awoodin Biyaha Booyadaha In Ay Iibsadaan, Walina aad Leedihiin Biyihii baanu Soo Wadnaa?
~Ma Ogtahay Mudane, Balantii Kulmiye Ee Ahayd In aydanHantida Ummada La Xaraashi-doonin aad Xaraashteen Iyadoo Sifo Eexaysi Ah Oon Ummadda Loo Soo Bandhin U Iibiseen, Walina iibkeedii aad Sii Wadaan?
~Ma Ogtahay Mudane, In Muddo Kordhintii Aad Diiddi Jirteen ee UDUB Xaaraanta ka ahayd Maanta aad Xalaashateen 2Sano, Hadana Saansaanteedii Mar Kale aad Wadaan in aad Korodhsataan?
~Ma Ogtahay Mudane, Heshiisyadii Maalgashi ee aad UDUB Ku Haysan Jirteen In Aan Wakiillada La Keenin Aad Sidii UDUB Fasheen Oo aydaan Hal Heshiis Keenin Wakiillada, Isla Markaana Sharci Daradii Heshiisyada Sii laban-laabteen??
~Ma Ogtahay Mudane, In Caasimadda Hargeysa Wadooyinkeedii Halbowlaha ahaa ee Madaarka Tagaysay kana Soo Dhaadhacaysay ay Boholo Yihiin Cid Kasta Oo Magaalada Ku Cusub na ayTidhaahdo Ma Goob Dagaal Baa Meeshu, Walina aad balan Qaadeysaan In aad Dhisi Doontaan?
~Mise Ogtahay Mudane, In Dadku aad ula Yaabanyahay In Aan Xisbiga lagugula Tartamin Ood Diimuqraadiyaddii Laashay, Haddana Aad Rabto In Diimuqraadiyad Lagugu Doorto!!
Mudane Ogow Doorkan Umaddu Way Xisaabtamaysaaye!
(Dharaarihii Na Soo Maray Maxay Dhaayo Noo Yeeleen!!)
Midho Daray Daddaan Bari
Duuduub ku liqi jiray
Doorkan Waan Hubsanayaa
Dirxi in uu ku hoos jiro!!
Gaariye ‘AHUN’
by :- Nabadoon EidlehMuuse