Ronaldo Oo Ka Shifay Sir Ku Saabsan Mustaqbalkiisa Kooxda Real Madrid, Goorma Ayuu Kala Cadaanayaa ?.

Real Madrid's Cristiano Ronaldo celebrates after scoring a goal during a Spanish La Liga soccer match between Real Madrid and Real Sociedad at the Santiago Bernabeu stadium in Madrid, Spain, Wednesday, Dec. 30, 2015. (AP Photo/Daniel Ochoa de Olza)

Ronaldo ayaa daboolka ka qaaday in uu doonayo in Real uu la furo dhawaan wadahadallo ku aadan hishiis cusub oo uu kooxda u saxiixo .

Laacibkaas 31 sano jirka ah ayaa dhawaan qarankiisa Portugal waxa uu ka caawiyay in ay qaadaan koobka euro 2016 oo ay ka xayuubsadeen qaranka Franxce
Hishiiska haatan ee Ronaldo ayaa dhacaya xagaaga 2018-ka

Laacibkaan ayaa lala xariinayay in midkood uu u wareegayo PSG iyo United balse imaashaha tababare Jose ee United ayaa badashay fikirkii laacibka

Laacibkaas haatan ka soo kabsanaya dhaawac jilibka ah ayaa xaqiijiyay in wadahadalada hishiis cusbooneysiinta kooxdiisa ay bilaabanayaan durba marka uu ku soo laabto magaalada Madrid

” Waxaan telka iskula hadlanay madaxa Real ee Perez , arimaha hishiis cusbooneysiintana waan isku soo hadal qaadnay” ayuu Ronaldo yiri

Ronaldo oo Real u yimid sanadkii 2009-kii ayaa ka soo wareegay United waxa ayna kooxda.com xuseysaa in illaa haatan uu u dhaliyay 364 gool ka dib 348 kulan halka laba jeerna uu la qaaday koobka dhagaha weyn ee Champion-ka