SAWIRO: Ka Hor Kulanka Manchestger Derby Ee Beijing Ku Dhex Mari Doona Kooxaha Ree Manchester, Guardiola Oo Kooxdiisa Diyaarinaya Kulanka Ay Mourinho Iska Hor Ima Doonaan

Kooxda Pep Guardiola ayaa gaadhay dhul waynaha Shiinaha halkaas oo ay kaga qayb gali doonto koobka ICC Cupka waxayna Man City isku diyaarinaysaa kulanka Manchester United  ee isniinta ka dhici doona magaalada Beijing ee dalka China. Mourinho iyo Guardiola ayaa ka hor xili ciyaareedka cusub ee Premier Leaque-ga waxay kulankooda ugu horeeya ee Manchester Derby ay iskaga hor iman doonaan ICC Cupka.

Kooxaha Manchester City iyo Manchester United ayaa guuldarooyin kulamadii hore kala soo kulmay kooxaha ree Germany ee Bayern Munich iyo Borussia Dortmund. Laakiin Guardiola ayaa kooxdiisa dib ugu soo dhaweeyay qaar ka mid ah xidigihii fasaxa ku maqnaa ee qaybta ka aha kulamadii heerka caalami ee xagaaga.