Sheeko Qaaban :- Jacaylkii Safarka Ee Axmed iyo Samiira + Muxuu Ku dhamaaday ?

Wuu jaleecay inantii, oo uu u dhoola cadeeyey misay iyana ugu jawaabtay hiif iyo huruuf is wata, axmed waxaa ku saaqmay oo kusii siyaaday caashaq degdeg ah oo kusoo booda
Kadib markii uu samiira oo ay safar wadaag ku ahaayeen safar ay ugu socdaalayeen dhinacaa iyo jabuuti
Kolba wuu ku sii yaraa siqaa oo uu kusii dhawaadaa isagoo is ilawsan oo ku leha ereyo ay ka mid yihiin abaayo iyo macaan,
samiira oo ay isku kursi fadhiyaan waxay la raacraacaysaa sheeko nuxur leh oo rakaabkii oo dhan midaysay oo caruur iyo cirooleba la dhuganayo oo uu ka sheekaynayo oday cumar xikmaawi
Samiira ma dareensana oo waxba kama oga axmed jaceylkan kediska ah ee kusoo booday taa bedelkeeda isna ma dareensana oo lamaba socdo sheekadan xikmada leh ee gaadhiga ka dhex socota ee xataa dareewalkii kolba is ilaawayo oo dib usoo jaleecayo
Saacado ka dib waxaa la gaadhay magaaladii jabuuti rakaabkiina qof waliba telefan ayuu qabsaday isagoo la hadlaya kolba cida ay isku family yihiin ee u degen jabuuti isagoo leh iminkaan magaaladii soo galay ee istaanka iigu kaalay.
Samiira ayaa iyana telefankeedii lasoo baxday oo wacday wiil qiyaastii ay isku da’ yihiin axmed oo ku tidhi istaanka iigu kaalay
Ninkii axmed weli cidna ma garaacin oo isagu waa reer jabuuti oo magaalada ayuu kala garanayaa
Inyar ka dib waxaa yimi cali oo ah wiilkii ay samiira la hadlaysay waaba lays dhunkaday hooyo ii waran ka waran caruurtii iyo way fiicanyihiin ayaa lays waydaarsadey
Ninkii axmed oo yaab halkan la taagan hadalkan hooyo hortiina hinaase ka xanaajiyey ayaa dareemay in samiira ay tahay islaanta dhashay wiilkan axmed leegSheeko
Markan axmed abaayo iyo macaantii wuxuu ku bedelay waayahay hooyo nabadeey waan ku salaamayaa

HUBSIIMO HAL BAA LA SIISTAA
@ Cabdikariin Karo