Sheeko Qosol Badan

Related image

Berigii telefoonada guryaha la isku nasiibin jiray ee la iska baran jiray ayaa wiil reer Hargeysa ah wuxuu telefoonka ka bartay gabadh reerkoodu aad u ilaaliyo oo aan inta badan loo ogolayn inay banaanka u baxdo. Dhawr todobaad markay wada hadlayeen ayuu ka codsaday inay kulmaan si ay isu weji bartaan hase ahaatee waxay u sheegtay in aanay kulmi karin maadaama aad loo ilaaliyo. Dhawr bilood oo dambe markii ay wada hadlayeen iyagoon is arag ee uu ku wareeriyey inay kulmaan ayey habeenkii dambe kula balantay kaabad u dhaweyd gurigooda.

Markuu xoogaa taagnaa goobtii balanta ayaa waxaa u timid gabadh yar oo bac madaw dhar ku wada. “Ma Samatar baa?” ayey weydiisay iyadoo baqaysa. Isagoo ka yaabban gabadhan la hadlaysa ee aan lahayn tilmaamihii ay siisay gabadhii uu la balansanaa ayuu ku jawaabay “Haa walaal waa Samatar, waa tuma?” “Huuno waxaan ahay Ismahaan ina-abtideed, iyadaa ii kaa soo dirtay oo igu tidhi soo kaxee, waxayna ii soo dhiibtay dirac iyo xijaab iyo kabo aad gashato si islaamaha daaradda ku cawaynayaa kuu moodaan gabadh Ismahaan alaab ka soo doonatay.” “Alla! Naa maxaad tidhi diric iyo shalmad bay ii soo dhiibtay, naa malaha waad kaftamaysaa?” “Walaal walaahi ma kaftamayo, waa caadi ha baqin la inama fahmayo anigaa kula socda oo guriga kula galaya, Ismahaan inay soo baxdo looma ogola laakiin anigaa la shaqeeya oo wiilkay la balanto guriga ugu geeya, waa iska caadi wiil reer Jigjiga ahba habeen dhaweyd sidan oo kale ayaan guriga ku galinay.”
Ninkii Samatar ahaa Ilaahay baa yaab u keenay, wuxuu sameeyo markuu garan waayey ayuu gabadhii loo soo diray ku yidhi. “Naa anigu waxan aad wado ma fahmayee orod oo ku noqo oo iyada lafteedii iigu yeedh.” “Huuno iyadu ma soo bixi karto aniguna hadaan guriga dhawr jeer ku noq noqdo waa la shakiyaa ee hadaad beentay moodayso kaalay dukaankan inoo dhaw iyadii kala hadalnee. Dukaankii ayuu ka wacay telefoonkeedii. “Hallo, waa Samatar, Ismahaan ma adigaa ….” “Haa huuno miyaad garan weyday, Samatar haa huuno anigaa kuu soo diray, soo raac huuno oo sida gabdhaha u soco markaad guriga soo galayso.” Luuq madaw oo meesha u dhawaa gudaafad ka dambaysa intuu tagay ayuu isku soo riday diricii shiidka ahaa iyo xijaabkii iyo kabihii. Nin dheer oo laf weyn ayuu ahaa markaasay ka gaabteen diricii iyo xijaabkiiba.

Tii yarayd baa Ismahaan ku noqotay iyadoo dharkii wada, markaasay u sheegtay sida ay wax u dhaceen. “Naa waa nin dheer oo laf weyn, soo kii xijaabkaagii niqaam ku noqday markuu gashaday.” “Sheekooy ku nacay, malaha ma dhici karto, bisinka wuuba cod yaraaye maxaa qaatay wiilka, oo meeyey imika?” “Dee halkii buu inagu sugayaa, anigaa ku idhi Ismahaan baan usoo sheegayaa in diricii jilbaha kuu joogsaday ee sii joog.” Iyagoo sheekadii wada ayuu soo garaacay telefoonka. “Halloo, Ku mee dee, anigiibaad dirac yaroo caantay ah noo ….” “Alla huuno sidaa maaha, fadlan wax yar na sug dirac ku le eg baan raadinayaaye.” Iyadoo naxsan bay tii yarayd ku qayliday “Naa huuno orodoo Muna Dheerta Jaarkeena dirac iyo xijaab iiga soo qaad oo ha fahansiin filinka, waxaad ku tidhaahdaa sawiro funny ah ayaanu ku gal galaynaa ee alaabtaadii dhaa dheerayd noo soo yara dhiib, orod orod intaan daaradda la soo buuxsamin.”

Muna Dheer diriceedii iyo xijaabkeedii isagoo gashan oo ka soo baxaya luuqii uu dharka iskaga soo bedelay oo diraciina dhinaca haya socodkana bedelaya ayaa waxaa meel fog ka arkay Muna Dheer odaygeedii oo masaajidka ka yimid markaasuu ka soo daba qayliyey. “Muna, Munaay, maxaad isla dhaga marinaysaa waan ku arkayaaye.” Tii yarayd baa tidhi “Alla jabay waa Muna odaygeedii, naagtiisii buu ku moodayaa, xijaabkeeduu garanayaa, war ina cararsii intaanu ina soo gaadhin.” Ismahaan ayaa albaabka ka furtay markaasay dhinicii islaamuhu fadhiyeen iskaga gudubtay ka dibna sidii ayey qolkeeda ku gaysay.

Soomaal News