TV-ga Eurosport Oo Ka Farxiyay Jamaahiirta Arsenal – Riyad Mahrez Oo Ogolaaday Inuu Ku Biiro Gunners

Sida uu warinayo TV-ga ciyaaraha ee Eurosport, ciyaariyahanka kooxda Leicester City Riyad Mahrez ayaa ogolaaday inuu ku biiro Arsenal isagoo ugu wareegaya aduun dhan 50 Malyan Oo Euro oo u dhiganta 41.8 Malyan Oo Pound.

Xidigaan reer Alegeria ee loogu codeeyay inuu ahaa kii ugu wanaagsanaa xagaagii lasoo dhaafay horyaalka Ingiriiska abaalmarinta ay bixiyaan (ururka ciyaartoyda Horyaalka Ingiriiska) kadib markii uu saxiixay 17-gool, sidoo kalana uu sameeyay caawinaad dhan 11.

Si kastaba haatan waxaa lasoo warinayaa in xidigaan heerka caalami uu lacago rikoor ah ugu biirayo kooxda ka dhisan waqooyiga London.

Claudio Renieri ayaa todobaadkii hore shaaca ka qaaday in Mahrez uusan raacin doonin wadadii Kante kaas oo kooxda ku qasbay in Chelsea laga iibiyo, balse haatan waxey u muuqataa in kooxda difaacaneysa horyaalka Ingiriiska ay xidig kale oo muhiim ah lumin doonto.

Ugu dambeyntii lacagaha uu Riyad Mahrez ku tagayo Emirates Stadium waxey aad ugu dhaw yahiin lacagahii uu sadex sano ka hor kooxdaan ku yimid Mesut Ozil.