Dib U-Eegid: Miyaad Ogtahay Taariiqdaan Uu Habib Kolo Toure Ka Dhigay Premier League, Ka Dib Faarujintiisii Horyaalka England

Kolo Toure ayaa dhowr iyo toban sano ka dib la xaqiijiyey inuu isaga tagay horyaalkii uu kusoo caanbaxay ee uu waxkasta kusoo bartay ee Premier League.

Kooxda Celtic ayaa dhamaystirtay saxiixa daafaca xulka qaranka ivory coast ee Kolo toure isaga oo qalinka ku duugay heshiis hal xilli ciyaareed ah oo uu kooxda kula joogayo.

35 jirkan ayaa dib ula midoobaya macalinkiisii hore ee Brendan Rodgers kadib markii ay iska fasaxday kooxda Liverpool markii uu dhamaystya qandaraaskii uu kula jirya kooxda Reds.

Hadaba Kooxda.com ayaa xusaysa ayaa ah xiddiga kasoo jeedaa qaaradeena Africa ee kulumada ugu badan ka saftay horyaalka England, waxana uu ka saftay 353 kulan.