Goormay Xumaantii Wanaag Noqotay? : W/Q:-Aqoon-yahan Jaamac Jiir

Beryahan danbe waxa soo ifbaxaayay oo dalka ku soo badannaayay fusuq iyo xumaan aannay bulshaddu ka digtoonayn

Beryahan danbe waxa soo ifbaxaayay oo dalka ku soo badannaayay fusuq iyo xumaan aannay bulshaddu ka digtoonayn amaba aannay dhaaddanayn fusuqaas, markaa islaamnimadeenuna waa mid dhammaystiran oo bulshadda boqolkiiba boqol ay Islaam aynnu nahay, taasaa waxay inna faraysaa in wixii wanaagsan aynnu isku waanino, sidaa si la mid ahna aynnu wixii xun meel uga soo wada jeesannaa oo isku sheegnaa cawaaqib-xumadda ka iman karta xumaanta innagu dhex faafta.

Bulshadda waxaan leeyahay si aynnu uga badbaadno cadhadda Eebbe waa in aynu had iyo gooraale wax wanaagsan isu waaninaa oo jeclannaa, isla markaanna dhaqannada xun xun ee sida sahlan la innoogu soo waariddaayo ka digtoonaannaa oo bulshaddeenna u sheegnaa oo ka horjoogsannaa.

Waa in aynnu IIIaahay ugu mahad-naqnaa Nibcooyinka uu inna siiyay ee Islaamnimada, Iimaanka iyo Amniga, haddii nibcooyinkaas IIIaahay uga mahad-celin wayno waxa khatar galaysa nibcooyinkii uu rabbi innagu galadday. Waxaad markasta maanka ku haysaa inaad Dunnidan laga soconnaayo oo qofkasta camal iyo cibaado suuban uu sahay ka sii dhigto oo ku deddaalo qaabkii uu IIIaahay u raali-gelin lahaa, haddii aad rabbigii ku uumay u raali-gelisanna sahay kaa maqani ma jirto.

Amniga iyo Xasiloonida aynnu dalkeenna ku haysanno quwad, Maskax iyo Muruq kumaynaan helin, waxaad la socotaa in adduunka ay jiraan dalal waa wayn oo aan maanta Nabad-gelyo haysan, balse Amniga aynnu maanta haysannaa waa mid uu Ilaahay innagu galadday, waxaannu Amnigu furre u yahay Horumarka ganacsi iyo bulsheed ee dalkeenna

W/Q:-Aqoon-yahan Jaamac Jiir

Hargaysa, Somaliland