SAWIR: “Wadada Ayuu Kusoo Jiraa”, Numberka Uu Arsenal U Xiran Doono Riyad Mahrez Oo Suuqyada Wareegaya!!

Taagerayaasha Arsenal ayaa laga fariisan la’ yahay bogaha xiriirka bulshada ee lugu kulmo, waxana halmar suuqa soo galay numberka xiddigaan u xiran doono kooxda Wenger.

Arsen Wenger ayaa lasoo sheegayey inuu indhaha is qabtay isagoona heshiis qaali ah kala heshiiyey Leicester si uu ugu wareego Arsenal, iyadoona sidoo kale la sheegayey inuu heshiiska shaqsiga la gaaray.

” Meel uma socdo Riyad , halkaan ayuu sii joogayaa” ayuu si kulul u yiri macalinka reer Italy kaas oo hoosta ka xariiqay ka dib wareysi uu saxaafadda Ingiriiska siiyay in xiddigiisa Riyad Mahrez uu joogayo kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Haatan waxaa lasoo helay sawirka Arsenal oo uu ku qoran yahay numberkiisa uu jecel yahay ee 26 xiddiga Riyad Mahrez kaas oo la hadal hayo inuu qarka u saaran yahay ku biiritaanka Arsenal.