Warbixin: Alex Oxlade-Chamberlain Waa Diyaarsan Yahay Loomana Dhawaan Karo, Laakiin Hal Dhib Ayaa Haysta.

Oxlade ayaa Arsenal ka badbaadiyey guuldaro kasoo gaari lahayd kooxda Lenz isagoona dhaliyey goolka barbaraha kulankaan weliba wuxuu ahaa mid cajiib ah oo soo jiidasho leh.

Xidigaan heerka caalami ee xulka England ayaa dhaawac kasoo kabtay wuxuuna garoonka ka muujiyay in weli Arsenal muhiim u yahay, kubad haysashadiisa, orodkiisa, qal-qalinta daafaca iyo aragtidiisa dheer ayaa ahayd wax kale.

Ox ayaa bisha August ee nagu soo fool leh 23-sano jirsan doono wuxuuna dhaliyay gool qurux badan oo Arsenal guuldaro ka bad baadiyay.

Laakiin dhibka haysta ayaa ah inuu yeesho keliya caqligii Henry oo kale, sababta oo ah marka uu kubadda lugta la helo malaha xoogaa deg-deg ah ayaa ku jira taas oo fiicnaan lahayd inuu iska ilaawo.

Arsenal ayaa kulankeeda ugu horeeya Premier League la qaadan doonta kooxda Liverpool, waxana Wenger uu wacad ku maray inuu suuqa si wayn uga soo jilaabaysan doono.