Wasiir Cali Mareexan oo Cayda Weriye Muniir usoo Kireystay Cabdiraxmaan Basaaskiisi Ucid u joogay iyo Aflagaadooyin uu Baraha Bulshada ku faafiyey. Qore Farxaan Xasan Finad.

Wasiirka hawlaha guud iyo guryenta Cali Mareexan ayaa weli dagaal ku haya Suxufiga weyn ee Muniir Axmed Cigaal oo ah Mulkiilaha Wargeyska madaxa-banaan ee Somalilandtoday. Wasiirka ayaa sameystay shaqsiyaad ay isku hayb yihiin oo qaarkood ugu jiraan uyXisbiyada mucaaridka ah, sida Ucid oo uu qaabilsan yahay

Wasiirka hawlaha guud iyo guryenta Cali Mareexan ayaa weli dagaal ku haya Suxufiga weyn ee Muniir Axmed Cigaal oo ah Mulkiilaha Wargeyska madaxa-banaan ee Somalilandtoday. Wasiirka ayaa sameystay shaqsiyaad ay isku hayb yihiin oo qaarkood ugu jiraan uyXisbiyada mucaaridka ah, sida Ucid oo uu qaabilsan yahay Wiil uu adeer u yahay Wasiirku, kaasoo lagu Magacaabo Cabdiraxmaan Basaas, isla markaana u qaabilsan Xisbiga Ucid inuu uga gudbiyo dhiigisa Kulmiye Macluumadka Sirta ah ee Xisbigaa. Waxana shalay ilaayo Maanta la Arkaayey Cabdiraxmaan Basaas oo si shaqsiyan ah baraha Bulshada ugu aflagaadeynaay Suxufi Muniir Axmex Cigaal, waxanu uu Wiilkani si toos ah u difaacay Wasiirka, halka uu bartilmaameedka dhigtay inuu aflaado ku qaado Gudoomiyaha Wargeyska Somalandtoday.

Waxanu mr. cabdiraxmaan Basaas isticmaalay weedho ay kamid yihiin nasab cay iyo sidoo kale dalab uu Xukuumada Somaliland u gudbiyey oo ahaa in Wargeyka Somalilandtoday albaabada Loo laabo, maadaama oo buu yidhi uu Wargeykani xidhiidh la lahaa Wasiirkii Madaxtooyadda Xirsi cali Xaaji Xasan. Waxanu Wiilkaasi Wargeyska ku dhaliilsan yahay inaanu ku shaqeyn Siyaasadda Wasiir Cali Mareexan iyo tan gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye muuse Biixi Cabdi.

Haddaba aflagadadan ayaa la oggaaday inuu ka danbeeyo Wasiir Cali Mareexanka hawlaha guud, kaasoo dhowaana si amarku taaglayn ah Xabsiga ugu taxaabay Wariye Muniir Axmed Cigaal, isaggoo ka faaideysanaaya awoodda xilka Wasiirnimo. Isku soo wada duubo habdhaqanada Wasiir Cali Mareexan ayaa ah kuwo bar madow ku ah Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, iyaddoo wasiirkani siffo reernimo shaadhkii Qaranka ugu amarku taaglaynaayo, isla markana dhulka jiidayo sharafta iyo karaamada Madaxweynaha qaranka Somaliland md. Axmed siilaanyo. Qalinkii Qore Farxaan Xasan Finad. Hargeysa/Somaliland.mun