Xiddig United Ah Oo Laga Yaabo In Uu Ku Biiro Juventus , Xilli 6 Xiddig Kale Ka Qaxayaan Old Tarrford

Bastian Schweinsteiger ayaa qarka u saaran in uu xagaagaan ka huleelo qalcadda Old Traford ka dib hal xilli ciyaareed oo uu ku qaatay kooxdaas United

Daily Star ayaa sheegeysa in Jose Mourinho uu doonayo in uu diro dhowr laacib oo kooxda ah oo uu ku jiro wiilkaan reer Jarmal

Waxaa kale xiddigaha seefta Jose qabaneyso ku jira Depay , Matteo Darmian , Rojo iyo Ashley Young

Intaas kuma koobna waxaa ku jira James Wilson , Tyler Blackett iyo Will Keane

Kooxda Juventus ayaa haatan lala xariirinayaa Bastian Schweinsteiger kuwaasi oo wadahadallo la furaya United