Togdheer: Ogaysiis Muhiima

Deg Deg:- Ogaysiis Ku Socda Qurba Jooga Gobolka Togdheer Oo La Shaaciyay Iyo Nuxurka Hoos Ka Dheeho. Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Ibraahin Adan iyo Maayarka Magaaladda Burco Maxamed Yuusuf Cabdiraxmaan iyo Golihiisa deegaanku, waxay ogaysiinayaan qurbo-jooga gobolka Tog-dheer, inay ka soo qeyb galaan shirkii saddexaad ee qurbo-jooga Togdheer oo lagu qaban doono Madaxtooyada Burco 30/07/2016-ka Sacada 7,30 Habenimo.

Shirkan oo sannadkan loo soo agaasimay jawi heerkiisu sareeyo isla markaana si toos ah (Live) uga bixi doona qaar ka mid ah TV-yadda dalka. Waxa lagu soo casuumay Wasiirro iyo saraakiil sar-sare oo ka tirsan dawladda Somaliland iyo dhammaan daneeyeyaasha horumarinta Magaaladda Burco iyo guud ahaan Togdheer. Waxa si qoto dheer loogu daraasayn doonaa mashaariicda horumarineed ee gobolka Tog-dheer.
Waxaa Habenka jiri doona Casho iyo madadaalo soo bandhiigi doonan abwaano iyo fanaanin daljoog iyo qurbajoog leh. Waxaa lagu Wargalinayaa Ka soo qeyb galayaasha in ay Ilaaliyaan Wakhtiga uu Shirku Bilaabmayo oo ah 7:30pm Habeenimo Madaxtooyada Burco .30/07/2016
Wixii Faahfaahina iyo isdiwangelinta Kala Xidhiidh Xafiiska Qurbajoogta Togdheer Diaspora Centre Najax Cabdi Diriye

Telefoonada ”0634435298,7332244 Waxad kalo la xidhiidhi karta iska diwangelin karta Gudoomiyaha Guddida Qaban Qaabada Xafladda Qurbajooga Togdheer

Xildhibaan Mubaarik Yuusuf (Bidhi) . Email:bidhi69@gmail.com Tellifoon ‘ 0634240409 ,063 4774223. Somtel”0659222248