Gudoomiye xigeenka komishinka Gobolka sool oo qabyaalad cad ku xulay liiskii shaqaalaha degmada caynaba iyo Qaylo Dhaanta Shacabka Saraar.

Gudoomiye xigeenka komishinka Gobolka sool oo qabyaalad cad ku xulay liiskii shaqaalaha degmada caynaba + Qaylo Dhaanta Shacabka Saraar.

Gudoomiye xigeenka komishinka Gobolka sool oo qabyaalad cad ku xulay liiskii shaqaalaha degmada caynaba Waxaa maalmahabna ka socotey magaalada caynaba xulista shaqaalaha ka shaqayndoona diiwaan gelinta soo socota waxaa Hadaba waxaa layaab noqotay dhaw arimood oo uu sameeyey gudoomiye xigeenka kumishinka gobolka sool maxmaed x faarax Waxuu uusheegay in loo baahanyahay oo keliya shahaado jaamacadeed ama kaadhka jaamacadda oo aan copy ahayn Wuxuu sheegay in qofkastoo danaynaaya inuu ka qayb qaato shaqadan uu yimaado caynaba Markii
dhalinyaradii jaamacaduhu uyimaadeen ayuu wuxuu qofkata ku yidhi sheeg caaqilkaaga taasoo uu hoosta kaliistaysanayay dadka ay isku haybta yihiin wuxuu diiwaan geliayay tiro sadex boqol ah oo dhalinyaradii udhalatay gobolka ah oo ay ku jiraan dad aan caynaba arag oo isagu uu dusha kaga daray arintaas oo ay kawarhayaan comishinka degmadu iskuna khliaafsanyihiin ilaa hadda Waxuu soo saaray short list kaas oo kusoo saaray ila 100 qof oo ay isku hayb yihiin jaamacadana aan dhiganin badankoodu isla markaana aan wax aqoona ulahayn shaqadan Taasna waxaa cadayn unoqon doonta marka lawaydiiyo shahaadooyinkooda originalka ah
Waxaa nasiib darro ah in dhalinyaradii jaamacadaha kabaxay ee xulka ahaa ee ilaa hargaysa soo socday ay cadaalad daradani ku dhacday Waxaanu kula talinaynaa madaxda sare ee komishinka in ay kafiirsadaan liiskaa uu soo saaray gudoomiye xigeenka komishinku cidii aqoonta lahayd ee shahaadooyinkooda soo xaraystayna ay qaataan Waxaan kale oo kula talinayaa madaxda komishinka in baadhis ku samayso dhacdadan Waxaan kaloo usoo jeedinayaa komishinka doorashooyinka in gudoomiye xigeenka gobolka sool uu ku fashilmay shaqadii iyo dhex dhexaadnimadii iyo dhaartii uu maray sidaa awgeed ma meteli karo komishinka doorashooyinka qaranka dalka JSL Waa shaqsi aan uqalmin shaqadan waxaanan leenahay halaga qabto dadka intaanu ka dhex abuurin dadka walaalaha ah isku dhac iyo nabadgelyo darro.
Saraar
W/Q:Xuseen Nuur
Caynaba Somaliland
Hussain21@gmail.com