SAKADDA IYO SADAQADU;;waxey kentaa (isku dheella tirnaanta qaybaha bulshada)by; fuaad qawdhan arimaha bulshada london

Sakaddu waa arkaanta waaweyn ee islaaamka oo ilaahey ku waajib yeeley dadka , waxa og nahey in ilahey uu faral yeelay sakadda, oo ka dhigay tiirka seddexaad ee tiirarka Islaamka, wuxuuna ugu gooddiyey qofkii iska daaya bixinteeda ciqaab daran, oo wuxuu ku xiray walaaltinnimada lala leeyahay Muslimiinta toobad keenka iyo oogidda salaadda iyo bixinta sakada, sida uu Allaah Kor ahaaye yiri: }فَإِنْ تَابُوا وَأَقَامُوا الصَّلَاةَ وَآتَوُا الزَّكَاةَ فَإِخْوَانُكُمْ فِي الدِّينِ{ (التوبة: 11).”Hadday se toobad keenaan oo oogaan salaadda oo bixiyaan Sakada waa walaalihiinna diinta”. (At-Towbah: 11) Nabigu wuxuu yiri: “Islaamka waxaa aasaas looga dhigay shan (tiir)…. Iyo oogidda salaadda iyo bixinta sakada” (Al-Bukhaari 8, Muslim 16).

 

Hadaba walalayaal hadii bulsho weynta somaliland oo dhami (COMMUNITY) intey isku tagaan, aay dadka maskiinta caawiyaan ama si mug leh isku kaalmeeyaan ,oo iyo dadka noloshu ku adkaatey wax taraan , hadii aay tahey mid qoys iyo mid shaqsiba, oo bulsha weynta somaliland aay taajiriin toodu siyaan sako tayo leh dadkooda maskiinta, markaan leeyahey, wax u taraan waxaan u jeedaa, hadii aan , kii guri ubahan guri u dhisaan, kii xanuusanaya ama tii xanuusaneysa dakhter geeyaaan ama kii u bahan dareyeel aay daleryeel tayo leh siyaan, waxaas oo dhami waa sako, waana waxyaabhii aay ku hor mareen dawladihii islamkaa odhami oo aduunka soo jereyw aligood, hadii aaynu soo qaddano xiligii cumer bini khadab waxuu , waxuu wax ku maamuli jirey waxey aheed sakko, oo uu ku maamuley ciidanka iyo iyo xasaaksa iyo kiibukaba, waana sababaha keny inuu ilaaahey , waajib ka dhigo sakada.
Hadii dadkeenu aay bil iyo marwallba aay geestaan sako ama sadaqo dad wax tarta, waxaa hubaala in dadka somaliland oodhami aay ka bixi lahayeen 5 sano soo socda faqrigan ina hadheyeey, ilahey ha inaga dul qaadee. hadaba waxaan doonayaa in aad talladdaa aaynu isku wacyi galino , si ilahey inoo siyow ax waloo aduunka iyo akhriba nolol ah.Waxaan idiin soo jeediniyaa ujeedda sakada iyo wax tarkeeda.

Ujeeddoyinka laga leeyahay sakada

Allaah wuxuu ku farl yeelay sakada Muslimiinta ujeeddooyin waaweyn dartood, aan xuseyno qaarkood:
Jaclaanta maalka waa wax ku beeran aadmiga oo ku xambaarta qofka inuu ku dadaalo dadaal dhan inuu dhowro oo ku dhego, markaasuu sharciga waajibiyey gudashada sakada ka daahirin nafsadda xumaha bukhliga iyo damaca, iyo ka zuulin jecaylka adduunka iyo ku dhegidda darfaheeda, Allaah Kor ahaaye wuxuu yiri:
}خُذْ مِنْ أَمْوَالِهِمْ صَدَقَةً تُطَهِّرُهُمْ وَتُزَكِّيهِمْ بِهَا{ (التوبة: 103).
“Ka qaad maalkooda Sadaqo (sako) aad ku daahirineyso oo aad ku barakeyneyso (maalkooda)”. (At-Towbah: 103)
Gudashada sakada waxaa ku hirgala mabda’a isku xirnaanta iyo wada jirka, waayo nafsadda aadmiga waxaa lagu beeray jeclaanta qofkii u axsaan fala, sidaas bay xubnaha bulshada muslimka ah ku noolaadaan iyagoo is jecel, isku duuban, sida dhismo isheysta oo qaarba uu adkeeyo qaar, waxaana sidaas ku yaraada dhacdooyinka xatooyada iyo dhaca iyo tuugada.
Waxaa ku hirgala macnaha addoonnimadda iyo hoggaansanka dhan iyo isu dhiibidda dhan ee la isu dhiibo Rabbiga caalamka, markuu bixiyo qofka hodanka ah sakada maalkiisa wuxuu sidaas ku dhaqan geliyey sharciga Ilaahay oo ku fuliyey amarkiisa, bixinteedana waxaa ku jira u shukrin kan bixiyey nicmaddaas, Allaah Kor ahaaye wuxuu yiri:
} لَئِنْ شَكَرْتُمْ لَأَزِيدَنَّكُمْ{ (إبراهيم: 7).
“Haddaad mahad naqdaan hubaal waan idiin kordhinayaa (khayrka), haddiise aad iga abaal dhacdaan, hubaal Cadaabtaydu waa mid aad u Daran”. (Ibraahiim: 7)
Waxaa ku hirgala gudashadeeda arrinka is kafaala qaadka bulshadeed, iyo isku dheella tirnaanta qaybaha bulshada, marka siinteeda dadka mudan kama yeeleyso maalka mid ag tuuran qaybo go’an ee ka mid ah bulshada oo ku gaar ah iyaga, Allaah Kor ahaaye wuxuu yiri:
}كَيْ لَا يَكُونَ دُولَةً بَيْنَ الْأَغْنِيَاءِ مِنْكُمْ{ (الحشر: 7).
“Si uusan (maalku) u ahaan wax ku wareegeysta oo keliya kuwiinna hodanka ah dhexdood”. (Al-Xashar: 7).
Yaa la siinayaa sakada?
Islaamka wuxuu caddeeyey cidda la siinayo sakada, waxaana u bannaan qofka Muslimka ah inuu sakadiisa siiyo qolo ka mid ah qolooyinkaas ama ka badan ama inuu siiyo ururrada iyo hey’adaha sama falka ee u qaybisa dadka mudan ee ka mid muslimiinta, waxaana mudnaanta leh in lagu bixiyo gudaha beledka uu qofku ku nool yahay
Qolooyinka mudan sakada waa kuwan:

Fuqarada iyo masaakiinta oo ah kuwa aan helin wax ku filan ee waxyaalaha ay u baahan yihiin ah ee aanay ka maarmin.
Dadka ka shaqeeya soo ururinta sakada iyo qaybinteeda.
Addoonka doonaya inuu iska xoreeyo abbaankiisa, waa in la kaalmeeyo oo wax laga siiyo sakada si uu xor u noqdo.
Qofkii deyn qaba aan awoodin inuu iska gudo ha ahaado deyn uu u galay danta guud iyo u sama fal dadka ama dantiisa gaarka ah.
Mujaahidiinta u jihaada Dar Ilaahay, oo ah kuwa u dirira difaaca diintooda iyo dalalkooda, waxaana soo galaya camal kasta oo faafin islaamka ah iyo kor yeelid Kelmedda Ilaahay.
Kuwa la soo dumayo quluubtooda diinta Islaamka, oo ah gaalada soo islaamay ee ku cusub diinta ama qofkii la filayo inuu soo islaamo oo ka mid ah gaalada, qaybtanna lagama siiyo sakada xagga qof qof waase shaqada madaxda talada u haya Muslimiinta iyo hey’adaha sama falka ee garan kara danta ku jirta arrinkaa.
Musaafirka soo galootiga ah ee jiscinka ka go’ay oo u baahday maal xitaa hadduu ku heysto beledkiisa maal badan.
Allaah Kor ahaaye wuxuu yiri isagoo caddeynaya qolooyinka waajibka ah in lagu bixiyo sakada:
} إنَّمَا الصَّدَقَاتُ لِلْفُقَرَاءِ وَالْمَسَاكِينِ وَالْعَامِلِينَ عَلَيْهَا وَالْمُؤَلَّفَةِ قُلُوبُهُمْ وَفِي الرِّقَابِ وَالْغَارِمِينَ وَفِي سَبِيلِ اللهِ وَابْنِ السَّبِيلِ{ (التوبة : 60 ).
“Sadaqooyinka (Zakada) waxaa sideedaba iska leh oo keliya Fuqarada iyo Masaakiinta iyo kuwaa looga howl galiyey inay soo ururiyaan; iyo kuwa ay u soo wehel sameen quluubtooda (Islaamka); iyo in lagu xoreeyo addoomaha; oo waxaa leh deymeysanayaasha; iyo in lagu bixiyo Jidka Ilaahay, iyo musaafirka (go’doonsan), waa faral Allaah uu gooyay. Oo Allaah waa wax kasta Oge, Xakiim ah”. (Al-Towbah: 60).
HADII aynu sidaa yeelno,. oo sakada iyo sadaqa iy ama ad isku kaalmeeyno, waxaa hubaala in aan faqriga ka dheeraaneyno 5 sano ee soo socda.
WAXAA MAHAD WEYN ISKA ILAHII I SUURTO GALIEYEY QORAALKEYGAN
. WAXAA QOREY FUAAD MAXAMED QAWDHAN. ARIMAHA BULSHADA LONDON
SALAANMEDIA
mr_qawdhan@hotmail.co.uk
faceboook; fuaad qawdhan
waad mahad santihiin.