Dowrka Dhalinyarada ee Bulshada Dhexdeeda. WQ:Ibrahim eid Mohamed (manager)

Bismilahi Raxmani Raxiim,

Dhalinyaranimadu waa xiliga ugu wanaagsan ee qofka bini’admiga ah soo mara xiligaas qofku wuxuu kulansadaa fursado uusan markale heleynin, waxay yihiin tamarta, c/fimaadka, iyo firaaqo badan iyo fursado qaali ah oo aan dib u soo mari doonin.

Culimada c/fimadku waxay tilmaamaan hormuunada dabiiciga ah ee uu leeyahay qofka dhalinyarada ah in ey xiligaas aad u badan yihiin taasina ey ka qeyb qaadaneyso fir fircoonida dheeriga ah, hadaba waxaa haboon in aan tilmaano hadii eynu ka hadleyno dhalinyaronimada mowducyo ey ka mid yihiin Waqtiga iyo sida looga faa’ideysan karo,abwaankii weynaa Adan Afqalooc, ee ayaa waxa uu ku leeyahay mar uu gabay kaga hadlayey dhalinyarada;

Dadkan odaygu goortuu ka
baxo iyo islaantiisu

* Ubadkooda hadhabaa tabcoo
aayatiin hela e
* Markii Aadam iyo Xaawa iyo
keynta la abuuray
* Sidaasay arwaaxdiyo dhirtuba
ku isiraayeene
* Umaddaan shabaabkeedu
hanan waa u ayaan xuma e

Bulsho kastaa waxa ey ku hor martaa dhalinyaradeeda, bulshooyinka hor u marey waxaa hubaal ah in ey leeyihiin dhalinyaro qiimo badan oo wadaniyad leh, hadii aan taariikhda dib u raacno halgamadii dunida ka dhacay waxaa hor u mood ka ahaa dhalinyar sida;

Halgankii Islaamka; waxaa lafdhabar u ahaa dhalinyar ( Saxaabo ) iyaga oo diinta islaamka ku faafiyey dhamaan dunida waqti yar oo kooban,

Halgankii Axmed Gurey; waxaa saldhig u ahaa dhalinyar ayaga oo la garab taagnaa hiil iyo hooba naftoodana u hurey in ey soo ceshaan dhulkii itobiyanku ka qabsadey islaamka, waxa ay ku guuleysteen in ey hogaamiyaan halgan adag oo lala galo gumeystihii xabashida, waxay kale oo ey ku guuleysteen in ey diinta islaamka ku faafiyaan dhulka ey somalidu degto iyo Geeska Afrikaba.

Halgankii Sayidka; Sida aan ogsoon nahay sayid maxamed cabdulle xasan oo ahaa halgamaa weyn oo soomaaliyeed waxa uu aasaas u ahaa halgankii gobanimo doonka ee uu kula dirirayey gumeystihii dhulka soomaaliyeed qabsadey, waxaan ka wada war qabnaa sayid maxamed iyo daraawiish guulihii waaweynaa ee ey ka soo hooyeen gumeystaha.

 Dhiliyarada waxa loo qaybiyaa afar nooc;

1.     Dhalinyaro hami leh

Qof dhalinyarada ah in uu hami yeesho waxay muhiim u tahay nolashiisa waa hamigu waa ka hagaya noloshada oo dhan ,hami la’aan waxa tahay waxan aan jirin oo xayaankana ka liita lkn hami baa loo bahayahay ugu yaraan naftada u same hami sareeya

( dhalinta leh haami sareeya waxa u horseedaan bulshadooda harumar wanagsan)

2.     Dhalinyaro hogaan leh;

Hogaanku malaha ugu mudan ee ay bulsho ka hagagto , dhalinyaradu waa in ay bartaan hogaan ka ama waxa layidhahdo (leadership)

Hogaanku haduu wanagsanado bulshaduna waa wanagsananaysa hogaanku waxa ka yimada bulshada ee meel kala kama yimado.

3.     Dhalinyaro xoorka ah maandooriyayasha

Maandooriye marka la sheegayo waxa loo jeeda waxayabaha maskaxda badala sida, qaadka ,sigaarka ,qamriga iyo wixii la mid ah.

  Qaadku waxa ka mid yahay waxayabaha bulshada dib u dhiga waayo waa ognahay , dhibataha cafimaad, maaliyadeed ee  bulshadeena ku hayo marka dhalinta ama dhalinyara haday ka xaroobi wayaan waxa iminaysa in ay bulshadooduna ay horumar u keeni wayaan qaadku waa aafo ina haysata .

Ibrahim iid <ibrahimiid54@gmail.com