Beesha Gobalka saaxil mise Beesha Galbeedka Gobalka saaxil!!

Dalka s/land maaha Dal cusub oo iminka la sameeyey oo aan la garanayn sida loo kala Degan yahay ama cid waliba meesha ay Degto ama Degaan ku leedahay ama Degaan scwrb

Dalka s/land maaha Dal cusub oo iminka la sameeyey oo aan la garanayn sida loo kala Degan yahay ama cid waliba meesha ay Degto ama Degaan ku leedahay ama Degaan keedu Gaadhsiisan yahay. Hadaba iyada oo taas lawada ogyahay oo dalka lawada yaqaan cidwaliba meesha ay degto ama ay degaan ku leedahay oo aan cidina maanta Dhul ayna degin ama cid kale la Degto si yar oo fudud keligood u sheegan karto maxaay ku Dhacday in beel yar oo ka mid ah beelaha s/land in ay keligeed iska sheegato gobol ama magaalo beelo kale la degen yihiin? yaa xaq usiiyey in Beel yar oo la ogyahay cadeedka iyo cududeeda iyo intay dalka ka degtoin ay keligeed gooni usheegato gobolka saaxil oo ah gobolka ugu Balaadhan gobolada s/land marka laga reebo gobolka sanaag?. waa run oo Beeshaasi waxay ka faa iiday sad Bursigii iyo qabyaaladii Ibraahim cigaal ee uu gobol iyo magaalo la wada degen yahay gacanta ugu geliyey beeshiisa oo qudha. maalin walba waxa aynu warbaahinta ka maqalaa dad ka soo jeeda galbeedka Gobalka saaxiil oo si ogaan iyo ula kac ah isugu yeedhaya inay yihiin odayaashii , wax garadkii, dhalinyaradii , aqoonyahankii gobolka saaxil miyaanay taasi ahayn arin khatar ku ah nabad gelyada wada noolaanshaha wax wada lahaanshaha dadka somaliland? miyaanay arintaasi sabab u noqon karin in uu Dalka dib uga dhaco dagaal sokeeyo oo lagu hoobto? hadiii maamuladii cigaal ka Danbeeyey ees/land soo maray sida maamulkii riyaale iyo maamulka siilaanyo ay ku fashil meen in ay saxaan qaladkii iyo sad bursigii cigaal ku kacay miyaanay ahayn in umada s/land ay iyagu arinkaas soo Dhex galaan si Dalka looga Badbaadiyo Dagaalo sokeeye Danbe?.

 

 

 

Dayeb jaamac