Maanso Kooban(Dulmi)

Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuh ,dhamaantiin akhristayaasha qiimaha leh iyo dhamaan hawl-wadeenadaba ,salaan dabadeed waxaan jecelahay inaan idin la wadaago maanso kooban oo ka hadlaysa dulmiga lagu hayo bulshadeena qaar ka mid ah balse aanay dad badani uba haysan in dulmi lagu hayo tahayna in laga hadlo ,kuwaas oo ah hablaheena ,sidaaad kawar qabtaanna aanay ahayn wax hadda bilaabay balse ay waayo hore soo jirtay in inan aan lagagala tashan lasiiyo nin aanay doonayn iyadoo lakala dooran siinaayo habaar iyo duco “haddaad yeesho waanu kuu ducayn ,haddaad diidana waanu ku habaari” sidaa badanaa waxa ubadkooda gaar ahaan hablaha ugu caga-jugleeya waalidkooda .

 

Maansadan koobana waxaan kaga hadlayaa una soo bandhigayaa waalidka inay arrintaa ka fiirsadaan dookhana u daayaan hablahooda si ay iyagu u doortaan mustaqbalkooda halka ay ku noolaanayaan iyo cidda ay la noolaan doonnaanba ,waxaannaan uga digayaa inaanay go’aankoodu madaw galin mustaqbalka ubadkooda .waan ogahay inaanu waalidku wax dhib ah laba rabin hadana ay dhacdo iyagoo maslaxaddo kala duwan eegaaya qaar ay u sheegaan iyo qaar ay si hoose isula guuxaanba  ay arrimahaas ku kacaan ilaa xiligan aynu joognana ka dhacda dhulka Soomaalida miyi iyo magaalaba walaw aanay sidii hore ahayn,Diinteena suubanina way kasoo hor jeedaa in gabadh lagu qasbo nin aanay rabin amaba aanay raali ka ahayn guurkiisa.

Akhris haboon:

 

Maanso(Dulmi)

 

Ha dulminin ubadkaaga

Xaqooda ha duudsiyin

danbi dhabarka haw ridan

dookhooda haka qaadin

kaagana ha daba marin

 

wanaagaad la doonayso

mustaqbalkooda yuu dumin

yuu ku darin xabaalaha

waxa aad dan moodayso

adiga oon ku dirqiyin

laba kala dooran siinayn

duco iyo habaar baas

miduun dooro odhanayn

dareenkooda waydii

waxay doonayaan hubi

doorashada u daayoo

guriga aanay doonayn

danaynaynin galidiisa

haku dirqiyin goglidiisa

 

qof kastoo damiir lihi

ma dulmiyo ubadkiisa

farxadooduu doonaa

wuuu daydayaa abid

waxay doonayaan ubad

 

haddii aad damiir iyo

damqasho aad leedahay

inta aanad dalaq siin

dabin aanay waligood

dib uga laaban karinoo

halistiisu daran tahay

marka hore daraasee

duruufaha bal qiimee

dacal kasta ka eegoo

sidii baarlamaan daran

danehiisa eegtuun

haku marinin duuduub

 

 

MAHADSANIDIIN.

 

W/Q:Hal-Abuur Mawliid Axmed Faarax(Kudar)

 

Email:Xushmeeafkaagahooyo@outlook.com

 

Facebook:Kudar Axmed Soomaali