Nasteexo ku socota walaalkay SAXAFI MUNIR AXMED CIGAAL iyo inta la bahwadaagta ah

Sida ku xusan cinwaanka maqaalkayga markaan warar badan iyo maqaalo badan oo aad runta uga fog ku arkay websidada laga leeyahay Somaliland

zone waxaan jeclaystay anoo si gaar ah marka hore ula hadlaya walaalkay Munir Axmed Cigaal madaama anu jifi hose isku nahay inaan isaga iyo inta ay isku fekerka yihiinba uga nasteexeeyo inay ka fiirsadaan wax badan oo ay qorayaan oo qadaf ku ah saxaafada madaxa banaan ma aha inaad saxafi sheegato oo ciddaad doonto been iyo aflagaado ka qorto qalinku waa amaano hadhow lagu weydiinayo.
Nasiib darooyinka ku soo kordhay dalkeena kow waxaa ka ah dad ku shaqaysta qalinka oo ciday dantooda ka waayan aflagaadooyin iyo qadaf aan loo meel deyin ku ganaya miyaany ogayn in maxkamadaha iyo saxaafadu isku maqaam yihiin waayo maxkamadu iskama xukunto qof haddaanay wax cad u hayn si le’eeg saxaafada shaqadeeduna waa inaanay iska qorin waxaan cadayn lahayn.
haddaba haddan munir usoo noqdo waqtiyadan dambe siyaasadu galay wuxuu isu sharaxay inuu noqdo xildhibaan barlamanka somaliland ka mid ah hadaba dhaqan keena waxaynu ognahay xubinta baarlamaanka in beeluhu iska soo xulaan cidday iyagu u gartaana murashax noqoto waxaynu ognahay oo kale in beeshu ku shirtay degmada Qoryaale Munir shirka kama soo qayb gelin kamana ololayn Hargaisa ayuu jooga wuxuu maalin walba ku aflagaadeeya warbaahinta madaxda muxaafid iyo mucaaridba qaarkood isagoo ka waayey danihii uu kalaha oo isla markaana uu u shaqeeyo qaar kale saxaafadi ma odhan karna awr kiraalay noqotay ama igu shubo waxaad doonto aan ku qore Pay & Take yaanan isku darine waa saxaafada qaar.
hadday jirtey mar u xiddig ka aha madaxtooyada wasiiradii is casilay qaarkood uu wada shaqayn wanaagsan la laha markii danbena taageerayaashi isbahaysiga KULMIYE noqday ta micnaheedu maaha ciddi aanu siyaasada iskaga soo horjeednaba jariidadeyda iyo websidkaygan ku aflagaadeynaya waxaan doonan ku qoraya caqliga saliimka ahi ta ma ogola.
Saxafiga waxaa looga baahan yahay inuu dhexdhexaad noqdo oo ninku jecel yahay iyo ku neceb yahayba u xaq sooro.
carabtu waxay tidhaahda(من أحدر فقد أندر)duniduwaxay ina bartay in qofka gefka dadka badsada uu ku dhibaatoodo nolosha
hadaba waxaan kula talin laha walaalkay Muniir iyo inta saxaafada kula bahwadaagta ah si aa mustaqbal wanaagsan u hunguraysan ka foogaada wararka aan saxda ahayn aflagaadooyinka iyo qadafka aaydaan u meel dayayn ee madaxda qaranka muxaafid iyo mucaaridba kula kacaysan.
Aad baan idin salaamaya,
GARYAQAN SHAXAARI