Saddex Arimood Oo Khaatumo Ku Qasbay Inay Somaliland La Hadasho…W/Q Cabdixaafid Axmed Hure

Marka hore waxaan idinku salamayaa salaanta nebigeena (n.n.k)

waxaan sidookale salaamaya warbaainta calamiga ah ee hadhwanaagnews

Marka xigta waxaan doonayaa in aan wax yar ka idhaaho arin beryahan saxaafad iyo bulshaduba aad u hadal hayeen taasi oo ah wadahadalka dhexmaray xukuumada Somaliland iyo kooxda u hogaamiyo Dr. cali khaliif ee khaatumo.

Sida aynu lawada socono waxaa jiray  sanadihii u danbeeyay  mucaarad hubaysan oo ka dagaalama gobolada bari ee Somaliland ku waas oo sheegay in ay ka soo horjeedaan qaranimada iyo gooni isu-tag ay bulshada Somaliland isla qaadatay sanadkii (1991) ka dib markii halgan hubaysan lagu jebiyay maamulkii keligii taliye maxamed siyaad barre.

Sida aynu lawada socono bini,aadamku ma waayo khilaaf iyo in ay isku qabtaan danaha ka dhexeeya ee ay wadaagan hasayeeshee khilaafkasta oo yimaada mar uunbaa  xalkiisa lahelaa haba raago ama ha dhawaado khilaafkuna wuxuu qayb ka yahay nolosha aadamaha.

Dadka reer Somaliland ayaa ah dad wadaaga dhaqan  iyo deegaan alle kuwada abuurtay oo aan guurayn, sidookale shacabka reer Somaliland wa dad wada dhashay oo wadaaga qaraabo soo jireen ah  iyo dhaleeyo sidookale waxay leeyihiin cadooyin soo jireen ah oo ay ka mid tahay in colaad kasta oo dhexmarta ugu danbaynta ay ka  heshiiyaan

Waxaana jirtay sanadihii u dhaxeeyay 1982 ilaa 1991, colaad baahsan oo u dhexdhigay  taliskii maxamed siyaad barre  oo sixun oo isiraysan  u dhexgalay isaguna diray beelaha walaalaha ee reer somaliland  colaadaasi waxaa lagu soo afjaray shirkii burco ka dhacay (1991) shirkaas oo dhamaan lagaga heshiiyay wixii dhacay.

Hadaba hadaan inta kaga baxo faladaa kooban una soo gudbo nuxurka    maqaalkan ku saabsan wadahadalka dhexmaray Somaliland iyo kooxda khaatumo.

 maxaa iska bedelay mowqifkii kooxda khaatumo?

Waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa sadex  arimood oo khaatumo ku khasbay in ay la hadasho waxna la qaybsato Somaliland.

§  Kow, kooxda khaatumo waxaay ku fashilantay dagaalkii ay kula jirtay ciidanka qaranka Somaliland dagaalkaas oo habayaraateen ayna wax horumar ah ka samayn taas oo dhulka dhigtay kal soonidii ay ku qabilahaayeen dadkii tageersanaa kooxda waxaanay awoodi wayday in ay difaacato meelaha yar ee  ay joogto oo ay ugu muhiimsantahay meelo kooban oo ka mid ah degmada buuhoodle.

§  Labo kooxdu waxay ku guuldaraysatay in ay ka mid noqoto maamul goboleedyada Somalia fikirkaas oo markii horoba ahaa mid iska riya ah  waayo may jirin dhul ay gacanta ku hayaan oo maamul-goboleed noqonkara dhulka ay sheeganayaana wu ka yar yahay labo gobol  oo wu ku salaysanyahay dastuurka kmg ah ee  Somalia oo si sharcidara ah loogu sheegto gobolada jamhuuriyada Somaliland,    waxaana halkaa ku dhamaatay rajadii awalba akhyaaliga ahayd ee in ay maamul-goboleed noqdaan waxaana burburay xidhiidhkii kala dhaxaynlahaa xamar.

§  Sadex kooxda waxaa soo foodsaaray dhaqaale xumo baahsan oo xitaa gaadhsiisay in ay tahliwaayaan in ay sii wataan hawl maalmeedkii cadiga ahaa dhaqaalaha kooxda waxaa siin jiray jahliyadah dibada oo ay madax martay caadifada iyo qabyaaladu waxaana saameeyay dhaqaala xumada ka jirta dunida iyo waliba quus ay ka qaateen kooxda oo samaayn wayday wax horumar ah .

Hadaba Ugu danbayntii  maxaa la gudboon dowladda Somaliland?

Dowladda Somaliland waxaa looga baahanyahay in ay si dhab ah u dhagaysato tabashada ay qabaan dadka reer Somaliland ee degan gobolada bari islamarkaana lasiiyo samiga ay xaqa ugu leeyihiin qarankooda Somaliland lana waafajiyo dastuurka qaranka Somaliland hoosna loo eego tabasha kasta oo ku saabsan dhinaca siyaasada iyo dhinaca dhaqaalahaba, waxaayna taasi wax badan ka taraysaa midnimada iyo wada jirka dhul iyo shacab ee Somaliland.

Wa bilaahi towfiiq