Jabkii Uu Abdiraxmaan Cirro La Maaganaa Ahmed Mumin Seed

Abaal nin gala waa la helaa, nin gudase lama helo 5 sano oo orad, hurdo la,aan, shirar bilaa xuduud ah, qaraabo laga mashquulo waxaas oo dhan ninkii dhabarka u dhigtay maanta waxaa lagu bireeyay aniga kaligay ayaa sharaxan adigana waa lagula sharaxan yahay.

Gabay Cirro:-
  • Allahayow nin ii daran maxaan, daafta hore seexshay
  • Nin ii daaqsanayaana maxaan, daafidow kariyey
  • Jidhku nimaanu doonayn maxaan, hadalka deeqsiiyey
  • Ma degdege xaajada maxaan, ugu dulqaad yeeshay
  • Weji dabacsan daymaan dareen, galin dubaaqiisa
  • Debna furan dabuub una ka didin, deexashiyo muuso
  • Qosol dibadda yaal oon ka iman, dhuunta dacalkeeda
  • Kanaan degey kanaan doorka biday, kani dan baan moodey
  • Waxaan dood kaftan ah sheekada, ugu daleeyaaba
    • Dabinkaan u dhigo maalintuu, degelka soo saaro
    • Intiiyoon dawaarka u rogoon, xeeladda u daadsho
    • Isagoon dareen qabin maxaaan, kaga dayaansiiyey

     

    Mohamed guudcade <maxamed4418252@gmail.com