Miyaaney Aheyn In Tiro Yar Lagaga Badiyo Maxaa Ceebta Loo Mar-Marina Yaa?!

Wanaag   laga  matago   eed   hadaad   fali !!!!!!!!!!.

Dhafoor  taabashada  qaar na  waa  dhegedkii  naareed.

Ciilow   ba’e  tallo   xumaan   cudur   ka  weyneyn.

Illaalinta   xuquuqda   muwaadiniinta ,cirdigood , sharaftood  iyo  damiirkoodu  waa  mahuraan  iyo  madhaafaanka  uu  ay  bulshadu  xuquuq  aasaasiya   isugu  leedahey.

Waa  qodob  diiniya  ( marka  aad   wax  gawracaysaan  wanaajiya   gawriciina )

 

Hadiiba  loogu  talla  galey   in  xumaan  loogu  badheedhay  masuulkan  waxa   banaaneyd:-

 

1.in  tiro  yar   lagaga   badiyo  hadii  qiime  iyo  qadarin  loo  hayo .

2.In   xubnaha  xisbigu  qaar   la  dareeraan  bay  aheyd  markuu  baxayey  haba  yaraadaane.

 

 

Muj.axmed   muumin  seed  sidii  uu  xisbiga  ugu  lisay  looguma  hambeyn,  nin  maqlay   iyo  nin  meesha  fadhiyey  ba  quudhsiga , warxumo  iyo  yaraysi  aan  geedna  loogu  soo   gabanin.

 

Qalbi   jabay  qosol  laguma  godlo,  badheedhe   siyaasadeedna   raaligalintu  digashay  ku  tahey.

 

Khaalid – Libaaxley

gargorey4@gmail.com