DEG-DEG: Leicester City Oo Si Rasmi Ah U Magacowda Tababarahii Badali Lahaa Claudio Renieri.

Leicester City ayaa xaqiijisay in Craig Shakespeare uu sii ahaan doono tababaraha kooxda Leicester City inta ka dhiman xili ciyaareedkaan 2016/2017.

Difaacdayaasha horyaalka Ingiriiska ayaa shaqada ka ceyriyay macalinkii reer talyaani Claudio Renieri 23-ka bishii February, waxeyna dhacdadaas murugada leh timid iyadoo 9-bilood laga joogo waqtigii uu u hogamiyay horyaalkii lama filaanka ahaa.