NINKII LAGU GUUROW WAA GEDAA IN LAGAA GUURAA W/Q: YAASIR MOHAMOUD ABDI

Salaan iga gudooma akhristayaal, salaantaas kadib salaadiinteenii maxaa ku dhacay???

Miyay taladii cayn wareegtayoo caruur loo dhiibay !!!

Somaalidu waxay hore suugaan ugu sheegtay “ geela duqiisu durduriyo aarankiisana maxaad u malayn ?”

Tirsiga ayaamaha aynu kujirno misna odaygeedii caynkaa u dhaqmayo caruurteed maxaad u malayn!!!!

Intaas hadaan kagasoo gudbo araar, waayahan dambe waxaa baraha bulshada iyo warbaahintu isla dhexmarayaan suldaan hebel iyo suldaan hebel oo isugu jawaabay siaan anshax iyo akhlaaqad midna lahayn suldaanku miyaanu ahayn:

  • Kii colaadaha bakhtiin jirayee dadka kala celinjiray
  • Kii caqliga lahaa ee cumaamadalahaa
  • Kii haybada lahaa ee hablaha bixin jiray
  • Kii cisiga badnaa ee culimada la sinaa

Waa maxay suldaankan balaayada horboodaya misna dadkii uu isusoo dhawayn lahaa kala qo-qobaya?

Xuska, xusuustaama dib u eegista maalmihii la soodhaafay eedaadihiyayaashii halganka iyo madaxdhaqameedkii hibadusaarnayd hadii aynu tusaale usoo qaadano suldaan Maxamed Suldaan Faarax Suldaan Mahad AHN waxa uu ahaa suldankii u horeeyay ee ku biira halgankii dulmidiidka ee SNM isaga oo waqtigaa qoriga u qaatay si uu dadkiisa uga saaro heeryada gumaysiga iyo cunsuriyada.

Waxa uu ahaa suldaankii u horeeyayee hub-ka dhigis ku sameeya beeshii uu hogaaminayay ee guutadii SANCAAWI 2_feb_1994, Alle ha u naxariistee isaga iyo salaadiin badan oo taarikhda umadda baalkagalay kana qaybqaatay xasilinta iyo curinta nabad sal-balaadhanoo maanta 75% dhalinyarada dhulkan ilaahay ku beeray jaamacado kaga baxeen kuna shaqaystaan nabad iyo gobanimo waxay mudanyihiin ku dayasho.

 

Is badalka ayaamaha iyo geedi socdka waqtigaayaa go’aamiya boga nooluhu taariikhda ka galo, sidaan anigu qabo waqti xaadirkan waxay Somaliland u baahantahay cid u talisa una horseeda maamul wanaag iyo hiigsi kudhisan aqoon iyo is af-garad balse uma baahnin u abtirsada ama u lab-garaacda.

waxaa la odhanjiray “ciroole dantiisa lagu waaniyay ka tag” haddana waxay noqnasaa “Suldaan sabigu waaniyay ka tag”.

Ugu dambayn waxaan dhambaal cod dheer u dirayaa dhamaan umadda reer Somaliland gaar ahaan dhalinyarada hadda uun mustaqbal bilaabaya “ waar hoy Ninkii lagu guurow waagedaa in lagaa guuraaye” rajadiina ha ku waayina xamaasad iyo qiiro gaaban misna durbaanka u tumayoo day waqtigiisa qaatay.